Sign in to follow this  
General Duke

Jedah Saudi: TFG gains support of Arab power: PICS

Recommended Posts

jedah1.jpgHeshiis lagu kala saxiixday Sucuudiga

 

Jedah, Sacudi Arabia (Calanka) 17-Sebtember-2007

 

Jiddah(Calanka)Madaxda sare ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya ayaa magaalada Riyaad ku saxiixday hishiis kaasi oo ay taageereyso dowlada Sacuudiga.

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah oo hadal ka jeediyay xafladii saxiixa ayaa ku baaqay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad ilaalineed oo ah African iyo Carab ah kuwaasi oo hoos tagaya Qaramada Midoobay .

 

 

Waxa uuna madaxweyne Yuusuf tibaaxay in ciidamadaasi ay badalayaan kuwa Itoobiya ee iminka dalka jooga ee dowlada KMG ah gacanta ki siiyay in dalka ay ka saaraan kooxihii maxaakimta.

 

"Si loo xoojiyo howlaha dib u hishiisiinta qaranka , waxaan minbarkaani kaga baaqayaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo Carbeed iyo kuwa African ah oo Qaramada Midoobay hoos imaanaya si ay u qabtaan mas`uuliyada nabad ilaalinta iyo amaanka Soomaaliya", sidaa waxaa yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

 

Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor C/llaha Bin C/casiis ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay muhiim u tahay nabad ku soo dabaalida Soomaaliya iyo in hor mar gaaro.

 

Boqorka Sacuudi Carabiya ayaa hishiiskaasi ku tilmaamay waa cusub oo xanbaarsan amaan iyo barwaaqo isla markaana soo dadajinaya hormarinta iyo dhismaha Soomaaliya .

 

Waxaana xafladii saxiixa goob joog ka ahaa ra`isul wasaare Geedi , gudoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo xubno ka tirsanaa odayaashii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya .

Share this post


Link to post
Share on other sites

jedah4.jpg

President Yusuf signs the agreement

 

"Si loo xoojiyo howlaha dib u hishiisiinta qaranka , waxaan minbarkaani kaga baaqayaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo Carbeed iyo kuwa African ah oo Qaramada Midoobay hoos imaanaya si ay u qabtaan mas`uuliyada nabad ilaalinta iyo amaanka Soomaaliya"
, sidaa waxaa yiri Madaxweyne Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaad: Boqor Cabdallaha Sacuudi Carabiya oo taageeray baaq uu jeediyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

17. September 2007

 

Riyaad(AllPuntland)- Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Cabdalla Bin C/casiis oo ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo xalay ka dhacday magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya ayna ka soo qeybgaleen madaxda sare ee dowladda KMG, Boqor Cabdalla iyo ergadii shirkii dib u heshiista ee Muqdisho heshiiska ku gaaray kuwaasi oo uu hadal uu u jeediyay Boqor Cabdalla Bin C/casiis kulaa dardaarmay in ay mira dhal ka dhigaan heshiis ay xalay halkaasi ku saxiixdeen madaxda dowladda iyo ergadii shirweynihii dib u heshiisiinta.

 

Boqor Cabdalla Bin C/casiis ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee isku haaya siyaasada om ay qadiriyaan heshiiska la gaaray ayna ku dhaqaaqaan sidii ay u mira dhal ugu dhigi lahaayeen baaqa Madaxweynahooda Soomaaliya ee dhigaya in ciidamo nabad ilaalin la geeyo Soomaaliya taasoo uu sheegay in loo arko xal nabadeed.

 

“Waxaan idinku boorinayaa ergooyinkiina in aad dhaqan gelisaan qodobada heshiiskii aad ku gaarteen shirkii Muqdisho ka dhacay kaasoo ah mid Soomaali u horseedaya nabad, horumar iyo guul” ayuu yiri Boqor Cabdalla Bin C/casiis oo Soomaalida ka codsaday in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo in la muujiyo tanaasul.

 

Ugu danbeyntii Boqor Cabdalla ayaa u sheegay madaxda dowladda iyo ergadii la socotayba in dowladda Sacuudi Carabiya ay diyaar la tahay in ay taageero dhaqaale u fidiso dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in la muujiyo isku xernaan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

aaaaaaaaaahhhhhhhhhhhhhhhhhhh as predicted.

 

 

Man that Somali flag is beautifull. I want to have one like that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Somalia oo heshiis dib u heshiisiin ku saxixay Saudi Arabia

 

Jeddah (HRNet):-Madaxda Dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa heshiis dib u heshiisiin ku saxiixay dalka boqortooyada Saudi Arabia oo iminka ay booqasho iyo wada hadallo u joogaan.

 

Heshiiska ayaa waxaa lagu waramay inuu la xiriiro shirkii dib u heshiisiinta qaran ee lagu soo geba gebeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho bishii tagtay.

 

Wakaaladda wararka Saudi Arabia ee SPA, ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska uu goob jog ka ahaa boqorka dalkaasi boqor Cabdalla, oo doonaya in xasilooni lagu soo dabaalo dalka Somalia.

 

 

Waxaa sidoo kale ku sugnaa madasha Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee bishii Agoosto lagu soo geba gabeeyey magaalada Muqdisho.

 

Hase yeeshee wakaaladda ilaa iyo hadda ma aysan bixin wax faah faahino ah oo ku saabsan nooca uu ahaa heshiiska.

 

Saudi Arabia, ayaa dhamaan dhinacyada Soomaalida ugu baaqday inay xushmeeyaan heshiiska ayna taageeraan bayaanada Madaxweynaha Somalia oo ah in ciidamada shisheeye ee alka jooga ay bedel;aan kuwa ka socda carabta iyo Africa, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Ciidamada QM, si xasilooni loogu soo celiyo Somalia.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Ra’iisul Wasaare cali Maxamed Geedi iyo guddoomiyaha Baarlamanka, ayaa dhamaantood ku sugan dalka magaalada ku taala badda cas ee Jedah, halkaasi oo ay kulan u joogaan.

 

Dowladad Somalia, ayaa u muuqata inay ogolaatay in ciidamada isugu jira Carab iyo African oo hoos tagaya QM ay bedeli doonaan Ciidamada Ethiopia ee dlaka jooga.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqor Cabdalla ibnu cabdul casiis aala sacuud oo taageero buuxda siiyay Dawlada somalia iyo heshiis ay kala saxiixdeen Madaxda DFK iyo Qaar kamida ergadii shirka.

 

Shir sadex geesood ah oo dhexmaray Ergadii shirwaynaha qaran ee Muqdisho,Madaxda Dawlada somalia iyo Madaxda Dalka Sacuudiga ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaasoo ay kamid ahaayeen ciidamo carbeed oo la keeno somalia, Dibu heshiisiin buuxda oo dhexmartay Ergada shirka iyo Madaxda Dawlada iyo hirgalinta qodobadii ka soo baxay shirkii Muqdisho.

 

Boqor Cabdalla ayaa ka codsaday Dawlada somalia inay wadahadalo nabadeed u furto dhamaan garabyada ka soo horjeeda Dawlada oo ay ugu horayso kooxda Asmara oo ah isbahaysi ay samaysteen maxkamadihii laga awood roonaaday iyo rag horay xilal sare uga hayay Dawlada somalia.

 

Boqor cabdalla wuxuu soo dhaweeyay ciidamo ka socda Jaamacada Carabta iyo Midowga africa korna ay ka maamusho QM oo la geeyo somalia isagoo ku tilmaamay arintaas mid horseedi karta somalia oo dib ugu soo laabata masraxa aduunka.

 

Madaxwaynaha somalia ayaa isaguna ku baaqay in ciidamo la geeyo somalia sibuu yiri ay ugala wareegaan ciidamada hada ku sugan somalia oo buu yiri abaal badan ku leh somalia.

 

Dhinaca kale odayaal dhaqameed kor u dhaafaya 400 horayna uga qayb galay shirwaynihii qaran ee lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa hoosta ka xariigay inaysan marnaba khilaafi doonin heshiiskii ay horay usaxiixeen iyo qodobadii ka soo baxay shirwaynihii somalida ee Muqdisho lagu qabtay iyagoo sheegay inay dadkoodiina kula laaban doonaan dibu heshiisiin iyo nabad waarta.

 

 

Warqabadka shabakadda allmudug.org.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this