Sign in to follow this  
Juje

The best and only achivement of 'shirki' Xamar - 'DEYN'

Recommended Posts

Juje   

Ergooyinkii ka qeybgalay Shirweynihii ka socday Muqdisho oo qaarkood Deymo farqaha loo heysto, ka dib markii uu soo afjarmay Shirkii ay ka qeybgalayeen

Som_Google.jpg

 

Mogadishu, Sabti , September 01 2007 SMC

 

Ka dib markii uu soo afjarmay shirweynihii Muqdisho ka soconayey ayaa waxaa durba soo if baxday in ergooyinka ay bilaabaan qabanqaabada scodaalkoodii goobaha aya ka kala yimaadeen, iyaga oo dhinaca illaa maanta quud dareynayey sidii ay u heli lahaayeen lacagihii loo qorsheeyey mudadii uu socday shirweynaha.

 

Ergooyinkan oo mudadii shirika ku sugnaa Hoteelo iyo goobo gaar ahaaneed ayaa waxaa Muuqaneysa in lagu wargaliyey in waqtigoodii uu idlaaday isla markaana laga doonayo qarashaadkii ay ku deganaayeen Hoteelada, inkastoo inta badan Hoteelada iyo Xarumaha kale ay si toos ah ula hishiiyeen shirgudoonka hadana waxa ay dhibaato ka taagned dad iyagu sii deyn gashaday Ergooyinka.

 

Deymaha gaar ahaaneed ee lagu yeeshay Ergooyinka ayaa waxaa ka mid ah , Qarashaad ku baxay Adeegyada Muhiimka ah sida Isgaarsiinta, hagaajinta martida iyo arimo kale , waxaana illaa shalay iyo maanta la arkayey dad aad u fara badan oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo farqaha heysta Ergooyinkii ay deyn gashadeen.

 

Mid ka mid ah Ergooyinka oo aan wax ka weydiinay arintan ayaa waxa uu inoo sheegay in dadkan ay ku balamiyeen in ay noo yimaadaan marka aan wax qaadano, waxa uuna carabka ku adkeeyey in aysan weli jirin wax qarashaad ah oo ay weli qaateen.

 

Ergooyinka Shirweynaha dib u hishiisiinta ee Mudada 45-ta Cesho ka socday Magaalada Muqdisho ayaa weli waxa ay ku noqnoqnayaan Xarunta Maamulka Shirka ee Hotel Amaana, inkastoo Shir gudoonka uu sheegay in qof waliba uu qarashaadkiisa u doonan karo shirkada Dahab shiil hadana weli waxaa Muuqaneysa in ergooyinku aysan weli soo gaarin wax Qarashaad ah.

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this