Deeq A. Posted December 19, 2022 ”WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-966/122022, ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka.Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto MadaxweyneDhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-kaMarkaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka JamhuuriyaddaSomaliland;Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka JamhuuriyaddaSomaliland;Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-04/956/2022 ee ku taariikheysan 03/12/2022, kunaansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2023-ka.Waxaan Soo-Saaray; Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah). Miisaaniyaddu waxay dhaqan-gal noqon doontaa 01 January 2023. Allaa Mahad LehMuuse Biixi CabdiMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source Share this post Link to post Share on other sites