Sign in to follow this  
Maaddeey

A/Wahid Khalif on Ictisaam 'interesting analysis'

Recommended Posts

Maaddeey   

الحمد لله رب العالمين، والصلاة

والسلام على سيد المرسلين

 

ما لكم كيف تحكمون

 

Caalamu Islaam oo qaarna gaalo qabsatay qaarna ay kusoo socdaan baa dad culumo sheegan jiray waxay weerar af iyo addin ah ku hayeen sheekh Maxamed C/Wahaab. Dad yar baa waagaas sheekha taageeray. Caawa xalay maxaa uga eg!.

 

 

 

 

Shabaab oo toban gobol ku xukuma Shareeco, lana dagaalay Shirkiga sidoo kalana dabakhay Kulliyaatul Khamsa ma arag wax wadaadadii la yaqaan sheeganaya oo u hambalyeynaya! Waan aragnay wadaaddo Ictisaam ah oo soo dhoweeyey heshiiskii Qubuuriyiinta iyo Shariif ku dhexmaray Addis Ababa! Waan maqalnay Ictisaam u hambalyeynaya heshiiskii Zenawi iyo Jamhadda Soomaali Galbeed kala saxiixdeen. Wadaaddo Ictisaam ah baa ka degay Goday iyo Addis Ababa halka shacab Soomaaliyeed lagu xirxirayo Addis Ababa iyo dhulka Tigreegu xoogga ku heysato! Ma dhici kartaa in Zenawi "mujaahidiin" la heshiinayo halka uu maatadii Soomaaliyeed xirxirayo?

 

Waqtigaan xaadirka ah Ictisaam badan siday afka ka sheegaan waa isagu mid qof raacay sheekh Maxamed C/Wahaab oo Shirki la dagaalay iyo qof raacay Maxamed Cumar Xabeeb oo la dagaala Shacaa'irta Islaamka sida Indhoshareerka! Shabaabku Shirki bey suuliyeen; halka Qabuurogaleenku la dagaalayaan Indhoshareerka. Saasooy tahay Ictisaamka waa iskugu mid labada kooxood. Taasi waa xagga hadalka laakiin ficil ahaan Ictisaamku dadka waxay ugu neceb yihiin Shabaabka! Sabab? Ma tagaan 10-ka gobol ee Shareecada lagu xukumo. Qaar Ictisaam sheeganayana sida Axmed-madoobe inta Kenya, Tigree, Amisom, iyo Qubuurogaleenku ka badbaadeen buu 24 saac dagaal af iyo addin ah kula jiraa Shabaab.

 

Dad baa dhaha wadaadadaad caayeysaa! Markaan korneylka wax ka qori jiray, dad baa dhihi jiray qabiil baad ku heysataa! Markaasaan ku dhihi jiray: isku qabiil baan nahay. Shariifka markaan ku bilaabay, kuwa Ictisaam ah baa i dhihi jiray: maxaan u degdegayaa oon u sugu waayey wuxuu la soo shirtago! Waxaan ku oran jiray Ilaah caqli buu i siiyey oo waan arkaa wuxuu soo wado mana dhowran karo. Haddana odayaashaas kharafka noqday waa sidii oo kale. Haddii Ilaah nafta noo daayo waan idin tusayaa inay mareen waddadii dagaaloogaasha iyo Shariifkoo kale.

 

Waxaan dhallinyarada nimankaas ku taxan u sheegayaa inaan waxaan ka hadlayo ahayn caadifad. Waxaan xasuusinayaa hadalkan:

 

قال نُعَيْمُ بن حَمَّادٍ: إذَا فَسَدَتْ الْجَمَاعَةُ فَعَلَيْك بِمَا كانت عليه الْجَمَاعَةُ قبل أَنْ تَفْسُدَ وإن كُنْت وَحْدَك فَإِنَّك أنت الْجَمَاعَةُ حِينَئِذٍ

 

Sheekhu wuxuu leeyahay: haddii jameeco fasahaaddo waxaa laga rabaa inaad ku sugnaato wixii jameecadu ku sugneyd intaysan fasahaadin xitaa haddaad keligaa tahay; markaasna adaa jameeco ah!

 

Marka xaqu waa mid ismana bedello. Nimanku waa isbeddeleen. Marka halagu sugnaado waxay ku sugnaayeen intaysan faraqa ku xiran Riyaale iyo Faroole. WALLAAHI buusan Shahaadateynka fahmin nin simay Shabaab oo shirki la dagaalaya iyo Qabuurogaleenka Indho-shareerka dumarka ka furnaya! WALLAAHI buusan Shahaadateynka fahmin ninkii sima Mujaahidiinta Soomaaliya jooga iyo gaaloraacyada la safan Amisom, Zenawi, iyo hay'ado sirdoon! Simid! Ictisaamku Faroole iyo Riyaale bey shir jaraa'id la qabtaan halka aysan tegin 10 gobol ee Shareecada lagu xukumo! Qof kasta waa ogyahay Faroole iyo Riyaale waxaa xukuma sirdoonka Maraykanka iyo Zenawi. Sidaad darteed Ictisaam badan iyo Sirdoonka Maraykanku iyo Zenawi waa saaxiibbo! Waa markii Mandiqa la eego xitaa haddaysan iyagu saas u qabin.

 

وَقُلْ جَاء الْحَقُّ وَزَهَقَ الْبَاطِلُ إِنَّ الْبَاطِلَ كَانَ زَهُوقاً

 

سبحانك اللهم وبحمدك أشهد أن لا إله إلا أنت أستغفرك وأتوب إليك

 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

 

 

 

Comments

1 Abdi 2010-05-05 15:07

muslimiinta waxaan u sheegayaa ina ay nimankii ictisaamka ahaa doonayeen inay hargeisa shir ku qabtaan, jimcihii aynu soo dhaafnay, waxay iskugu yimaadeen, School ka Baxrayn, ee magaalada hargeisa, galabnimadii, salaadii casar ka bacdi, anaguna isla goobtaas ayaanu tagnay, waxaa furitaankii ka hadlay sh. osman ali hussein, oo ah sheekh khayr badan, sida jaamac c/salaan, waxa uu u sheegay saaxiibadiisii ictisaamka in goobta ay wada fadhiyaan, ictisaam, islaax, salafiya jadiida, xisbul islaam iyo alshabaab, markaa intuba ay isku wada caqiido yihiin, ee wax yar uun lagu kala duwanyahay, sidaa daraadeed ayuu yidhi sheekhu "maadaama ay umadu cadaw leedahay, nadwo la soo saaro, ma fiicna, oo umada ayey kala kaxaysaa, markaa waxaan odhan lahaa saaxiibaday aan iska joojino nadwadan, wayse ka diideen saaxiibadii oo ay ka mid ahaayeen, maxamed Idriis, Yusuf adan, Makaawi, iyo qaar kale, ka bacdi sh. osman waxa uu yidhi waa hagaage bilaaba su'aaluhuna waa furanyihiin, intaa ka bacdi meesha waxaa ka dhacay in nimankii culimada ahaa aanu su'aalo ku qarqino, oo rag walaalaha ka mid ah oo baxthi ka soo sameeyey nadwadoodii garoowe ay la dabagalaan, su'aalo, markii intaasi ku dhacday way kala yaaceen, laakiin walaalaha waxaan u sheegayaa inay balan sanyihiin sabtida soo socoto. insha'allah

salamucalaykum

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this