Deeq A. Posted December 17, 2022 Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta diyaarad sidday Qaad ay ku burburtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi. Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmadaasi, waxaana soo gaaray burbur xoogan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sawirro laga soo qaaday burbura diyaaradda ayaa muujinaya inay ku dhacday meel banaan ah ama howda ah, ayna ku yaalla geedo gaagaaban. Ma cadda khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo sidoo kale dowlad goboleedka Glamudug. Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net The post DEG DEG: Diyaarad goordhow ku burburtay degmada Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites