Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Keenista raashinka aan bislayn"

Recommended Posts

Mar hore warar hoose ayaaba sheegaaya qandaraaskaan si xoog leh waxaa u qaadatay reerk qoyska Xasan Sh, sidee ahayd 2013-17. Marka qandaraaskaan la furay la leeyahay waa iska sheeko sheeko.

Tan labaad maxee tagay raashiinkaan 'aanan bisleyn' la keenaayo? Ma galey, qamadi, digir, masago, sisin (macsaro) iyo wixii la mid ah dalkeena ka baxo maa dalka laga waaye? Baasto iyo bariis from Kiinya iyo Ugaandha mee keenayaan instead? Yaab.

_________________

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maanta furtay qandaraaska iibka raashinka iyo shidaalka dowladda

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa daah-furay tartanka Iibka qandaraasyada ee keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay hay'adaha amniga ee dalka.

Sida uu wasiirku sheegay, daahfurkan ayaa looga golleeyahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda.

Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur , Wasiirka maaliyadda ayaa tilmaamay inay arrintaan muujinayso xoojinta iyo kor u qaadidda hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

"Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya, Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan  hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono,” ayuu yiri wasiirku.

Sida ay wasaaradda maaliyaddu sheegtay, waa sanadkii saddexaad oo tartan furan loo galo iibka Qandaraasyada dowladda ee ku saabsan sahayda keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this