Deeq A. Posted December 5, 2022 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa wasiirrada, waxaana isku dhaandheyntaan ku baxay wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dowlayaal, xubnaha uu magacaabay Qoor Qoor ayaa gaaraya 26 mudane. Lix wasiir, afar wasiiru dowle iyo 16 wasiir ku xigeen ayaa lagu magacaabay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Qoor Qoor. Golahaan cusub waxaa ku jira wasiirro cusub, waxaana meesha ka baxay kuwo dhowrkii sano ee lasoo dhaafayey la shaqeynayey Madaxweyne Qoor Qoor, lamana garanaya sababta rasmiga ah ee Qoor Qoor ku riixday inuu bedelo wasiirradiisa qaar, markii laga reebo in dikreetada lagu xusay in ‘Baahi loo qabay iskushaandheynta wasiirrada.’ Hoos ka eeg liiska wasiirrada cusub iyo wasaaradaha loo magacaabay: 1.Garad Yusuf Mohamud Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda 2.C/llahi Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha 4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta 5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka 8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta 9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada 10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada 11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha 12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha 13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka 14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta 15.Shariif C/nuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha 17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka 18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta 19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga 20.C/raxman Maxamuud Maxamed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka 21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa 22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka 24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta The post Qoor Qoor oo magacaabay 26 wasiir oo cusub (Aqriso) appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites