Sign in to follow this  
Member-sol-

New administration made in Bay/Bakool region

Recommended Posts

Waxaa maanta Maamul islaami ah oo hoostaga Xarakada Al Shabaab looga dhawaaqay gobolada Bay iyo Bakool.

 

 

 

Markii ugu horeeysay tan iyo xiligii xoogaga Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen degmada Baydhabo oo ay kala wareegeen 26-kii bishii la soo dhaafay maamulkii dowladeed ee ka ariminayay gobolka Bay ayaa maanta gudaha magaalada Baydhabo waxaa ay kaga dhawaaqeen maamul islaami ah oo Ururak Al Shabaab ay u sameeyeen gobolada Bay iyo Bakool.

 

 

 

Goobta munaasabada ay ka dhacday oo aheeyd xaruntii ADC-da ee ay ku shiri jireen Barlamanka KMG ayaa waxaa fadhiyay islamarkaana goob joogka ahaa culumaa’udiin ka tirsan Ahlu Sunna waljamaaca ee gobolada Bay iyo Bakool,aqoonyahano,siyaasiyiin,odayaal dhaqameedyo iyo waliba xuno ka turjumaya qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.

 

 

 

Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in gudoomiyaha maamulka islaamiga ee Ururka Al Shabaab gobolada Bay iyo Bakool ay u magacaabeen Sheekh Xasan Max’ed Abuu Eyman,iyadoo ku xigeenkiisana laga dhigay sheekh C/laahi Cali.

 

 

 

Kadib markii lagu dhawaaqay maamulka cusub ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxaa warbaahinta la hadlay hogaanka sare ee maamulka islaamiga ee Baydhabo looga dhawaaqay sheikh Xasan Abuu Eyman isagoona ka codsaday Bulshada reer Baydhabo in ay taageeraan maamulka islaamiga ee la dhisay,waxaana uu carabka ku dhiftay in shareecada islaamka uu ku dhaqayo gobolada loo magacaabay.

 

 

 

Qaaar ka mid ah culumaa’udiinka,Aqoonyahanada iyo ganacsatada ee ka soo qeyb galay madashii maanta lagu dhisayay maamulka islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa iyaguna waxaa ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee Bay iyo Bakool laga hergaliyay.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee maamulkaani Xoogaga Ururka AL Shabaab Baydhabo maanta ay kaga dhawaaqeen ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili xubnihii dowladda ee Baydhabo laga saaray ee ku sugan degmada Xudur ay sheegeen in dhawaan ay soo dhisi doonaan Urur Cusub sida tilomaameen masuuliyiin ka tirsan xubnahaasi.

 

 

 

shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this