Sign in to follow this  
Juje

Kulan dhexmaray madax ka tirsan DKMG iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee UK + Pics

Recommended Posts

Juje   

Kulan dhexmaray madax ka tirsan DKMG iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee UK

 

newsomali5.jpg

 

Axad, September 27, 2009(HOL): Ururka New Somali Forum ayaa soo abaabulay Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Madax sare oo ka tirsan DKMG uuna hormuud u ahaa Wasiirka Lacagta Cabdirahman Cumar Cisman (Inj. Yariisow), ayna ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamud Ahmed Nur ( Tarzan), Xildhiban Xasan Calas iyo Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banadir Cabdifatax Ibraahim Shaweeye.

Wasiirka Lacagta oo la hadlayey jaaliyadda Somaaliyeed ee deggan wadankan Ingiriiska ayaa ku booriyey in ay ka qeyb qaataan nabadeynta wadanka somaaliya guud ahaan, gaar ahaana gobolada ay dagaaladu halakeeyeen muddooyinka ugu danbeeyey.

Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyey dadaalka uu Madaxweyne Shariif Shikh Ahmed ugu jiro sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyo in wada hadal lagu dhameeyo wax waliba oo ay tabanayaan qolyaha Mucaaradka. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda ku meel gaarka ah ay ahmiyad weyn siisay sidii loo badbaadin lahaa shacabka somaaliyeed oo ay aafeeyeen dagaalada sokeeye iyo abaaro ba’an oo haatan wadanka ka taagan.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in xilka loo dhiibay uu si daacadnimo ah u gudanaayo waajibaadka horyaalana ay ugu horreeyaan:

 

Dakhli ururin: uu sal u yahay maamul aqoon sare u leh howlaha canshuur uruinta

La dagaalanka musuqmaasuqa: In aan dhiso nidaam la dagaala musuqmaasuqa

Hufnaan (Transparency) : Waxaan ku dadaalayaa in ay si cad u muuqato dakhliga aynu ururino iyo nidaamka uu ku baxaayo si shacabka somaaliyeed ay noola xisaabtami karaan.

Wasiirka waxa uu kula dardaarmay jaaliyadda Somaaliyeed ee ku dhaqan UK in ay kaalin wax ku ool ah ka qaatan wacyi gelinta dhaliyarada Somaaliyeed, kuna baraarujiyaan ku dhaqanka diinta islaamka isla markaana ka hor tagaan saameynta xag jirnimada fog oo aan sal ku laheyn tubta toosan ee diinta islaamka.

Waxaa kale oo kale hadal ka jeediyey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banadir Cabdifataax Shaweeye oo hadal qiimo badan ka soo jeediyey, isagoo warbixin kooban ka siiyey howlaha ka socda magaalada muqdisho, dagaalada joogtada ah ee ka socda muqdisho iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay magaalada muqdisho oo ay dhibaatada ku heysato daafaha muqdisho. C/fataax Shaweeye waxa uu ku dheeraaday argagaxa ay shacabka muqdisho kala kulmaan kooxaha xagjirka ah ee xitaa u diiday in ay xiligii ramadaanka si nabadgelyo ah ku afuraan.

Xildhiban Mohamud Ahmed Nuur (Tarzan) ayaa isna ka hadlay caqabadaha heysta DKMG gaar ahaan dhanka dhaqaalaha ah, beesha caalamkana ay ka gaabisay in ay fuliyaan ballanqaadyadii ay horay u qaadeen in ay dhanka dhaqaalaha ka taageeraan Dowladda Somaaliyeed si ay ugu fududato fulinta howlaheeda sida amniga, daryelka shacabka iyo howlaha dhismaha dowliga ah.

Xildhibaan Tarzan waxa uu tilmaamay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK kaalin wax ku ool ah ka qaataan gargaarka biniaadminimo ee dadka ka barakacay dagaalada sokeeye, qof walibana uu xil iska saaro sidii uu wax uga qaban lahaa degaanada uu ka soo jeedo, haddii ay noqon laheyd ceelqodid, horumarinta caafimaadka, waxbarashada iwm.

Dhanka Jaaliyadda ayaa waxaa u hadlay Guddoomiyaha New Somali Forum Xasan Xundubey Jimcaale oo ahaa shir guddoonka, isagoo u mahadceliyey madaxda sharafta leh ee ka soo qybgashay kulanka iyo odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahannada somaliyeed ee iyagana waqtigooda u huray in ay muujiyaan dareenkooda wadaninimo.

Waxa kale oo ka hadlay rag aad u culus uu ugu horeeyo Halgamaa Xirsi Xaaji Jamac oo aad looga ixtiraamo Magaalada London oo isna ku booriyey in wadanka wax loo taro lagana fogaado colaadda sokeeye ee dheraatay.

Waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Somali Peace Council G/Sare Dalab oo sheegay in ay yihiin urur u taagan inuu taageero dowladnimada iyo nabad lagu soo dabaalo waddankeena Somaaliya. Mudane Dalab wuxuu ku baaqay in jaaliyadda Somaaliyeed ee UK midoobaan oo ay meel uga soo wada jeestaan wax u qabadka shacabka soomaaliyeed.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Oday Aadan Guureeye Kaarshe oo ah madaxa odayaasha Somali Peace Council, wuxuu ku guubaabiyey jaliyadda Somaliyeed ee UK wada shaqeyn iyo badbaadin magaca soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay jaliyadda in ay meel iska dhigaan qabiilka iyo xumaanta, loona soo wada jeesto badbaadinta shacabka somaaliyeed.

 

 

newsomali3.jpg

 

newsomali4.jpg

 

newsomali1.jpg

 

newsomali.jpg

 

newsomali2.jpg

 

Hiiraan Online News Desk

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this