Sign in to follow this  
miles-militis

UN agencies cooperating with the Puntland administration in SSCayn

Recommended Posts

The groundless notion fallacious in nature widely spread by the political machinery in Hargeysa that SS&Cayn as well as Togdheer are not secure for UN agencies and personnel to operate is a testimonial attestation as to how the ill-fated one-city styled administration cares very little, if any about the future of the regions they so fervently claimed to have come under their governance. This is all done simply to strengthen their grip of reign over the locals and line up their deep pockets while diminishing any possible role for the opposition to exercise influence in regions outside their reach.

 

But not for so long!

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in Hay'adaha QM ay gobolka ka hawlgalaan iyagoo hoos yimaada Puntland - Saturday, August 30, 2003 at 20:48

 

Shir jaraa`id oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sool

 

Laascaanood, (Radio Laascaanood)- "Hawlaha degaanka Sool waxay marayaan halkii ugu xaasaasisanayd maadaama ay waqtigani dadku ay u bislaadeen inay la qabsadaan hawlaha maamulka" sidaana waxa yidhi gudoomiyaha gobolka Sool Ibraahin Jaamac Daad oo ka hadlayey shir jaraa`id oo uu ku qabtay xarunta maamulka gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday maamulkiisa iyo waxyaabihii u qabsoomay, isagoo xusay inay wax badan ka fuliyeen dhinacyo badan sida xasilinta iyo ilaalintsa xuduudaha gobolka oo marar badan ay ka dhici jireen xadgudubyo soo noqnoqda.

 

Waxa kale oo uu sheegay inay jiraan waqtigani hawlo aad u xaasaasi ah oo ka socda magaalada Laascaanood kuwaasi oo lagu kicinayo maamulka gobolka si loola jaan qaado habab maamuleedka casriga ah.

 

Mar wax laga wediiyey wax qabad la`aanta dhinaca arimaha bulshada ayuu sheegay inay taasi tahay mid dhaba waxana loo baahday ayuu yidhi hawli in sida ay u kala sarayso loo fuliyo, iyadoo banaanku dayacan yahay buu yidhi guduhu wuu adkaanayaa sidii wax looga qaban lahaa.

 

Ibraahin waxa uu sheegay in dhowaan la bilaabay nadiifinta degaanka taasina waa ka kow wax qabadka arimaha bulshada, hadana waxaa la bilaabayaa in wax laga qabto dhinacyada kale ee dayaacada loo filaayo.

 

Mar wax laga weydiiyey waxa ay ku wada hadleen isga iyo qaar ka mid ah hay`addaha deeqda bixiya oo dhowaan dhinaca Hargeysa kaga yimi magaaladda Laascaanood ayaa waxa uu sheegay inay ka codsadeen iyaqoo wata magaca QM ay imaan karaan gobolka Kana madax banana sida uu sheegay kuwa isugu yeedha Somaliland .

 

Waxa ay noo balan qaadeen ayuu yidhi in ay wax qabad dhab ah u hayaan dadka degaankan maadaama ay ka bexeen labadii maamul iyo labadii ciidan ee iska soo horjeedey waxana uu cadeeyey buu yidhi in uu la shaqayn doono maamulka Puntland.

 

Hay`addaha caalamiga ayaa waxay horey uga cudurdaarteen inay yimaadaan gobolka Sool iyagoo taasi ku macneeyey dhul aan xasiloonayn waxaase taasi daahfur ku sameeyey hay`adda Hallo Trust oo mudo sadex bilooda hawlo miino saara ka wadey degaanka Laascaanood.

 

Madaxa bariga Afrika ee Hallo Trust Mr.Hou ayaa waxa uu dhowaan sheegay in gobolkani uu ka mid yahay dhulka ugu amaanka badan Soomaaliya, waxana uu xusay inaanu garanayn waxa dhabta ah ee hay`addaha ka hortaagan gobolka.

 

Gobolka waxa taniyo 1993dii ku sugnaa gobolka hayad laga leeyehey dalka Norwey oo lagu magcaabo NPA taasi oo iayadu mudo dheer ka shaqaynaysey gobolka.

 

Hay`addani waxay hawlo badan ka soo qabatay dhul aad u badan oo ay ka mid yihiin Sool,Sanaag iyo gobolka Cayn in kasta oo ay dad badani ku dhaliilaan inay ka gaabisay hawlo badan oo ay fulin lahayd.

 

Radio Laascaanood

Laascaanood, Sool, Puntland, Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this