Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qaaday weerar lagu laayey Al-Shabaab badan kadib codsi ka yimid DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeytan kasoo gaartay dadka rayidka ah.

โ€œCodsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

โ€œSoomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab,โ€ ayuu raaciyay bayaanka Taliska AFRICOM.

Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 km waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

โ€œTaliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka taliska Mareykanka ee Africa.

The post Mareykanka oo qaaday weerar lagu laayey Al-Shabaab badan kadib codsi ka yimid DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this