Sign in to follow this  
General Duke

Asmara: Xasan Dahir Aways group reject agreement

Recommended Posts

Garabka tabarta yar ee uu hogaamiyo Oday Xassan Dahir Aweys ee tuulada Asmara oo dhaliilay heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti

 

26 November, 2008 By _Dowladnimo

Mas'uuliyiin ka tirsan garabka tabarta yar ee uu hogaamiyo Oday Xassan Dahir Aweys ee tuulada Asmara oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliilay heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti.

Afahayenka u hadlo garabkan tabarta yar Ismaaciil Xaaji Cadoow oo shirkan jaraa'id qabtay ayaa sheegay in heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti uu yahay mid lagu xoojinayo Dowlada Federalka oo uu sheegay inay qarka u saaran tahay inay burburto waa siduu hadalka u dhigay.

 

"Awalba horay ayaan u sheegnay in shirarkii Jabuuti ay ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu carqaladeeyo dagaalada looga horjeedo Itoobiya iyo xulafadeeda, waana qaadacnay" ayuu yiri Ismaaciil oo intaas ku daray: "Dagaal ayaan la galaynaa Dowlada Federalka iyo kuwa hada ku biiray, mana dhacayso inaan gacmaha laabano".

 

Mas'uulkaan u hadlay garabka tabarta yar ee tuulada Asmara ayaa sheegay inay aad ula yaabeen qodobo ka mid ah heshiiska saakay la kala saxiixday, isagoo si gaara ah farta ugu goday kordhinta xubnaha baarlamaanka.

 

"Waa wax aad loola yaabo in 550 xildhibaan laga dhigo baarlamaanka Somaliya oo ah dalka dunida ugu faqrisan, iyadoo kuwii hore ay wax qaban waayeen oo wax la siiyo loo waayey" ayuu yiri Ismaaciil.

 

Dhanka kale, mar uu ka hadlay ciidamada ay Kenya u soo dirayso Somaliya ayuu sheegay inay ka digayaan, isagoo xusay in dagaal ay la geli doonaan Kenya hadii ay Ciidamo keenaan Somaliya.

 

"Madaxweynaha Kenya waxaan ugu baaqayaa inuu dib uga laabto ciidamadiisa uu u soo dirayo Somaliya, wuxuuna carabta ku dhuftay in hadii uu ka laaban waayo ay gudaha u geli doonaan dalka Kenya"

 

Hadalka garabkiisa tabarta yar ee tuulada Asmara ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta ay heshiis awood qaybisi ah ku gaareen dalka Jabuuti Isbahaysiga dib u xoreynta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif iyo Dowalda Federalka Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

ee
tuulada
Asmara

Naceb la qabo miyaa Asmara Caasimadii looga xayuubiyey.

 

 

Aweys wax un buu diidaa asna, asoo dhahayo waxbaan ogolnahay maan arag!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by General Duke:

garabka tabarta yar... oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho...

War isku hagaaji sheekada ninyahow. Tabar yari iyo Muqdishu ka hadlay kala daa! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

AT&T looooooooooool thanks for the BIG qarxis sxb.

 

 

lol that was classic :D:D

 

waxaas oo kalaa la oranin waa war, cajiiib, xataa waxey qorayaan kala garan maayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Again laughing for no reason, we dont target civilians adeer, the man can voice his protests and due to the weaknes ist more reason to leave him alone.

 

Even adeer xasan dahir can come and hold a protest conference in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Again I will refrain from calling you names and making attacks, there are a few in SOL one can have a tussle with. Alas you are not that important. Now back to the topic.

 

Heshiiska ayaa waxaa amaanay xukuumada Jabuuti, xubno ka socda dalalka caalamka qaarkood & Qaramada Midoobay, iyadoo heshiiska ay dhaliileen xubno ay ka mid yihiin kuwa ku sugan dalka Eritrea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

quote:Originally posted by General Duke:

garabka tabarta yar... oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho...

War isku hagaaji sheekada ninyahow. Tabar yari iyo Muqdishu ka hadlay kala daa!
:D
Classic indeed :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this