Deeq A. Posted November 4, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay saadaasha roobka toddobaadka u horeeya ee bishaan November, xili hore looga cabsi qabay roobab dabeylo wata ku dhafta qeybo ka mid ah dalka. Qoraal kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka xarunteeda ka digista halis-wadareedka ayaa waxa lagu sheegay in asbuucani uu ka qalalnaan doono afartii asbuuc ee la soo dhaafay. “Waxaa aad u qalalnaan doona gobollada Waqooyi, gobollada dhexe iyo qeyb ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka, kuwaasi oo intooda badan heli doona roob aad u yar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka. Sidoo kale waxay saadaashu sheegaysa in asbuucan ay roob aad u yar heli doonaan gobollada; Waqooyi-galbeed sida, Awdal, Sool, Togdheer, Nugaal, Bari, Mudug, Hiiraan, kaasi oo xadigiisa lagu qiyaasay 01 – 10 (mm) “Gobollada kale ee dalka sida: Sanaag, Galguduud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha-hoose, Jubada-dhexe, Bay, Bakool iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.” Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka in gobollada Gedo iyo Jubada-hoose inay asbuucan heli doonaan roobabka ugu badan dalka, kuwaas oo qiyaastii u dhexeyn doona 01 – 50 (mm). The post DF oo qoraal kasoo saartay arrin aad looga cabsi qabay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites