Sign in to follow this  
Dhubad.

3000 More Ethiopians To Enter Mogadishu

Recommended Posts

Dhubad.   

Ciidamo ka badan Sedex Kun oo Itoobiyaan iyo Somalia ah oo Saacadaha soo socda Muqdisho ku soo jeeda

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku sugan Baydhaba ayaa waxaa saakay halkaasi soo gaaray Ciidamo aad u fara badan oo ka badan Sedex kun oo Militari ah kuwaasoo isugu jira Itoobiyaan iyo Somalia.

 

Ciidamadan ayaa waxaa ay degeen Xerooyinka Deynuunaay iyo Manaas, waxaana la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin tiro ciidamo Itoobiyaan iyo Somalia ah.

 

Ciidamadan dheeraadka ah ayaa la sheegay in ay ku biirayaan ciidamada Muqdisho joogo, waxaana la sheegay in ay kala qeyb qaadan doonaan howlaha hub ka dhigista oo haatan iyo wixii ka dambeeyo Dowladda Federaalka ah ay ku dhawaaqday in ay so awood ah hubka u qaadeyso.

 

Waxaa la sheegay ciidamadan in la dejin doono Xarumo dheeraad ah sida isgoysyada, Saldhigyada, iyaga oo la shaqeyn doono Ciidamadii hore iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Imaatinka ciidamadan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dad badan ay ka careysan yihiin joogitaanka Ciidamadan ee gudaha Dalka Soomaaliya, inkastoo meelaha gadoodka ka jira uu yahay gobo cayiman oo Muqdisho ka tirsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this