Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliye Mahad Salaad oo arrin lama filaan ah sameeyey maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta sameeyey arrin lama filaan ku noqotay dad badan, kadib markii uu kasoo muuqday munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Munaasabaddan oo ay dowladdu kula wareegeysay gargaar ay soo dirtay dowladda Itoobiya ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan, sida duqa Muqdisho, wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada, wasiirka warfaafinta, taliyaha NISA iyo xubno kale.

Deeqda ka timdi Itoobiya ayaa ah daawo loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2, ayada oo sidoo kale ay la socdeen dhaqaatiir laga soo diray Addis Ababa, waxaana gargaarkaan wasaaradda caafimaadka ku wareejiyey safiirka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahadceliyey dowladda Itoobiya, sida ay uga soo jawaabtay dalka wasaaraddiisa, kadibna deeqda ay soo dirtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyey in taliyaha NISA uu ka soo muuqdo la wareegida gargaarka Itoobiya.

“Wakaas madaxii nabad sugidda dalku caawamida tirsanaya” ayuu yiri Aadan Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada isticmaala Facecook ee ka falceliyey arrintaan.

“Oo kan muxuu meesha ka dooney bilo ku ciyaadhey” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Khayre Cali Nuur.

“Fahad sidaan ma lagu garaa?” ayuu isna yiri Cabdirisaaq Aadan Cabdisalaan oo ka mid ah dadka isticmaala Faceebok.

“Mahad Salaad ma iska hubisay daawadan nooga timid Itoobiya” ayuu dhankiisa yiri Nasiib Cabdi Tahliil oo qoraalkan uga falceliyey arrinta uu maanta sameeyey Taliye Mahad Salaad.

314330464_496949565792355_29091021604644 312588573_496948925792419_36322097593535 313868722_496949662459012_13947673249446 313938617_496949922458986_71672637958612 314127608_496949899125655_75227924936108

The post Sawirro: Taliye Mahad Salaad oo arrin lama filaan ah sameeyey maanta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this