Sign in to follow this  
General Duke

100 arrested in Mogadishu for attacks.

Recommended Posts

Baaritaano Xoogan Oo Ka Socda Qeybo Ka Mid Ah Mag. Muqdisho

 

Muqdisho(Calanka.com) 05-Luulyo-2007

 

Baaritaano xooggan ayaa abaarihii tobankii subaxnimo ee saakay ka bilaabmay qeybo ka tirsan caasimadda Muqdisho, kaasoo ey si wada jir ah u fulinayaan ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobia.

 

Baaritaanadan oo lagu tilmaamay kuwii ugu balaarnaa ayaa waxaa lagu qaaday sida ey inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda goobo ganacsi oo u badan kuwa isgaarsiinta oo ku yaal agagaarka suuqa Bakaaraha iyo kooxo lagu tuhunsanaa in ey ka danbeeyaan qaraxyada iyo amnidarida caasimadda.

 

Ciidamadan iskaashanayay ee howlgalka fulinayay ayaa la sheegay in ey adeegsanayeen dad basaas ah oo iyagu hayay xogta goobaha qaraxyada laga soo abaabulo iyo shirkadaha waaweyn ee isgaarsiineed ee iyana taakuleeya qolyahan wax qarxiya.

 

Howlgalkan ayaa sida la sheegay lagu soo qabqabtay rag farta lagu fiiqay oo ey ciidamadan wateen magcohooda kuwaasoo lagu tuhmayo in ey ka danbeeyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaa sidoo kale lagu soo qabqabtay howlgalkan hubka fud fudu.

 

Wadooyinka soo gala xaafadahan la baarayay ayaa gabi ahaanba la xiray, waxaana la baarayay dadka shacabka ah ee lugeynaya kuwaasoo la weydiinayo magacooda oo sadexan.

 

Howlgalkan ayaa maanta oo khamiis ah waxaa si weyn looga dareemay xaafadaha ku dhowdhow goobahan la baarayay, waxaana ey ciidamada u adeegsadeen baaritaanii maanta gawaarida gaashaaman.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo maanta go’doomiyay goobo lagu tuhmayay inay ku jiraan kuwa wax qarxiya

 

5. July 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Howlgal kii ugu ballaarnaa oo ay iska kaashadeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo wata gawaarida gaashaaman iyo Taangiyo ayaa saakay xiray isla markaana go’doomiyay inta u dhaxeysa wadada wadnaha iyo tan Warshadaha.

 

Howlgalkan oo xitaa la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadka lugeynaya ayaa xoogiisa uu ka dhacay gudaha iyo hareeraha suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kaasoo Saraakiil u hadashay ciidamadaasi howlgalka fulinayay ay ku tilmaameen in goobahaasi ay ku dhuuntaan kooxaha ka dambeeya falalka qaraxyada ee inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho, oo lala beegsado mas’uuliyiinta dowladda, dadka rayidka ah iyo ciidamada Itoobiya.

 

Howlgalkan ayay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ku tilmaameen inuu ahaa midkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana saakay gebi ahaanba istaagay isu socodka gawaarida iyo dadka, iyadoo xalay iyo saakay ay dhowr qarax ka dhaceen goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Lama shaacin howlgalkan ay iska kaashadeen labada ciidan, waxa lagu soo qabtay oo Hub iyo Maxaabiis ah, balse sida ay sheegayaan goob joogayaal u waramay Shabakadan ayaa sheegay inay arkayeen rag ay gacanta ku dhigeen ciidamadaasi oo qaarkood indhaha ka xirnaa.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo ay howlgal si wadajir ah u fuliyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya balse midka maanta dhacay ayaa u muuqday kii ugu weynaa oo ay sameeyaan markii dadku ay arkeen gawaarida gaashaaman iyo Taangiyo taagan inta u dhaxeysa wadada Warshadaha iyo tan wadnaha.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:Qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo ciidamada dowladda federaalka oo kala baxay dad gaaraya 100 qof Masaajida Abu Hureyra iyo suuqa Bakaaraha

even waagacusub is gettong on the act of telling the truth for once.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this