Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo la hadlayey warbaahinta ayaa shaaciyey xog ku saabsan sida ay Al-Shabaab ku hesho xogta & dhaq-dhaqaaqa dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan illaa 4 shirkadood oo badeecadaha kasoo dega dekedda lasii wadaaga kooxda Al-Shabaab, si ay uga qaadaan lacago canshuuro ah.

Jibriil Cabdirashiid ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xogta hesho kahor inta aysan soo gaarin ganacsatada, taas oo noqotay arrin la yaableh.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in magacyada shirkadahaasi ay shaacin doonaan, isla-markaana ay la wadaagi doonaan hay’adaha ku shaqada leh si looga qaado tallaabo adag.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa, ayay kooxaha Shabaab helaan, waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa saddex illaa afar shirkadood,” ayuu yiri wasiir Jibriil.

Wasiirka ganacsiga ayaa sidoo kale ugu baaqay wasaaradda dekedaha in ay arrintan wax ka qabato, isla-markaana ay shatiga kala laabto shirkadahaasi xiriirka la leha Al-Shabaab.

Horey wasiirka ayaa sidoo kale u shaaciyey in Nootaayooyinka ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ay la macaamilaan Al-Shabaab, ayna siiyaan xogta maalinlaha ah, taas oo u sahasha inay helaan macluumaadka shacabka iyo sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed.

Si kastaba, dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa hada wada dabagal xoogan, si loo soo afjaro ilaha ay dhaqaalaha ka hesho kooxdaas.

The post Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this