Sign in to follow this  
ansaar17

TFG stooge's car blown to pieces

Recommended Posts

ansaar17   

Ibraahim Shaaweey oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray Qarax lala beegsaday

War deg deg ah

Daawo Sawirada

Mogadishu 13, March.07 ( Sh.M.Network) Labo ruux ayaa ku geeriyootay 4 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray oo uu ku jiro K/xugeenka Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Shaaweey, ka dib Qarax Bambaano oo ka dhacay Isgoyska Folorance ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxaan oo dhacay abaarihii 1 dii hurnimo ee maanta ayaa lala beegsaday gaari uu leeyahay K/xigeenka Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Shaaweey marayay wadada Folorence, iyadoo qaraxaasi ka dib ciidamo ka tirsan dowladda ay isku gadaameen gaariga lala beegsaday qaraxa oo gubanayay, waxaana suxufiyiinta loo diiday in ay sawiro ka qaadaan.

 

Dhaawaca soo gaaray Ibraahim Shaaweey ayaa ah mid fudud sida ay shabelle u xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow taliska booliska gobolka Banadir oo codsaday in aan la shaacin magacyadooda.

 

Warar ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadka dhaawaca soo gaaray ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Maamulka Muqdisho.

 

Dadka ku dhaawacmay qaraxaan oo u badan rayid ayaa loo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho si loo daweeyo.

 

Ilaa iyo wali lama oga qaraxaan waxa uu ahaa, laakiin wararka ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneyn ay aastay wadadaasi inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

 

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo ah agagaarka Isgoyska Xararyaale ayaa waxa ay fariisin u tahay ciidamo daacad u ah Ibraahim Shaaweey oo ah K/xigeenka koowaad ee dhinaca amaanka iyo nabadgalyada gobolka Banadir.

 

 

 

 

qaraxa1.jpg

 

qaraxa2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

War deg dega : Ibrahim Shawey iyo Mas'uuliyiin la socotay oo dhaawacyo halisa la gaarsiiyay kadib markii ay miino la kacday.

 

Muqdisho ,Talaado , Marso , 13 , 2007, Waagacusub.com

 

 

Ibrahim Cumar Sabriye Shaaweey oo ah ku xigeenka dhinaca Nabadgelyadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in gaarigii uu la socday lagu qarxiyay agagaarka Xararyaale xilli uu halkaas marayay.

 

Waxaa la soo wariyay in Ibrahim Shaaweey lug iyo gacan ay laalaadeen markii dhaawaciisa la qaadayay,waxaa kale oo la soo wariyay inay guud ahaan basbeeleen Mas'uuliyiin kale oo la socotay iyo ilaaladiisa kadib markii bac qafiif loo dhigay wadada,taas oo ay ku jirtay miino.

 

Gaarigga Shaaweey inuu guud ahaan gubtay waxaa soo xaqiijiyay Wariyaasha Waagacusub,waxayna goobjoogayaal ku warameen in dhaawaciisa loola cararay Isbitaal Keysaneey.

 

Tani waa tilaabadii ugu horeeysay ee lagu waxyeeleeyo Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda federalka.

 

Weerar kan la mida waxaa ka badbaaday Jeneralka ugu sareeya Ciidamadda Itoobiya ee lagu magacaabo Gabra kaas oo ka tilaabsaday miinooyin talantaali ah oo gaarigii uu la socday loo dhigay isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Muqaawimadda Shabaabka iyo Xoogaga New Syl ayaa ku hanjabay inay lalmin doonaan maydadkoodda afar Mas'uul oo kala ah,Maxamed Maxamud Gacmadheere,Cadde Cali Xasan Gaaboow,Salaad Cali Jeelle iyo Ibrahim Cumar Sabriye Shaaweey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this