Sign in to follow this  
Maaddeey

Ciidamadii dhowaan la soo tababaray oo kala firxaday, hubkoodiina iibsaday (sawirro)

Recommended Posts

Maaddeey   

Sabti 23 / 06/ 1431 (05/06/2010)

 

Afar Boqol oo kamid ah Maleeshiyadii dhawaan laga keenay Yugaandha oo maanta kala Firxaday.

 

Kadib dagaaladii cuslaa ee Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay Xeebta Liido degmada Cabdul Caziiz ee magaalada Muqdisho oo ay ku Jabeen Gaaladii Saliibiga Yugaandha ayaa maanta mar kaliya waxaa Firxaday Maleeshiyaad Katirsanaa Kooxda Riddada oo dhawaan kasoo laabtay tababar ay kusoo qaateen Dalka Yugaandha.

 

Maleeshiyaadkan oo gaarayay ilaa 400 oo nin ayaa ka baxsaday Xerooyin ay ka joogeen hareeraha Villa Soomaaliya halkaas oo loogu qaybiyay Hub iyo saanado Milatari oo la doonayay in ay kula dagaalamaan Mujaahidiinta.

 

Warar laga helay dad xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadkani ay u baxsadeen xaafadaha kala gadisan ee magaalada Muqdisho Hubkii ay wateena ka iibsadeen ganacsatada hubka ee Muqdisho.

 

Jaha wareer xoogan ayaa maanta ka dhex taagan madaxda Riddada iyo gaalada Afrikaanka ah ee ku sugan Madaxtooyo kaas oo ku aadan sida laga yeelayo Maleeshiyaadkii baxsaday iyo hubkii ay qaateen oo ilaa iyo hadda la la'yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

 

Saameynta firxadka Maleeshiyada ayaa durbadiiba laga dareemay suuqyada hubka ee magaalada Muqdiso oo la ciir ciiraya hub iyo rasaas aad u fara badan waxaana qoriga AK47 & AKM nooca cusub ee ay hada kala yimaadeen Yugaandha oo maalin ka hor qiimihiisu ahaa $600 '' Lix Boqol oo Dollar '' uu maanta joogaa $400 '' Afar Boqol oo Dollar ''sida aan kusoo aragnay mid ka mid ah suuqyada Muqdisho.

 

Gaalada caalamka ee dhaqaalaha iyo hubka ku bixisa sidii loo damin lahaa iftiinka Islaamka ee kasoo bidhaamaya Soomaaliya ayaa dadaalkoodu wuxuu noqday HAL BACAAD LAGU LISAY kadib markii inta badan hubkii ay soo siiyeen Kooxda Riddada ah uu gacanta u galay Mujaahidiinta u dagaalamaysa sidii uu dalka uga talin lahaa Kitaabka Qur'aaka.

 

Masuuliyiinta sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si joogto ah baaqyo ugu dira dhalinyarada Soomaalida ah ee tababarada lagu siiyo dalalka Saliibiyiinta ah in ay ka waantoobaan Allaahna u towbad keenaan, iyadoona dhalinyaro fara badan oo hore kaga soo baxday Kooxda Ridada, Allaah-na u towbad keentay ay hadda si nabad galyo ah ula nool yihiin eheladooda iyo walaalahooda kale ee Muslimiinta.

 

DSCF1407.jpg

 

DSCF1404.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this