Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Baydhabo to be secured by the Islamic Courts, IA

Recommended Posts

Maxaakiimta Islaamka oo ku sii siqaya Magaalada Baydhabo

 

Posted on Saturday, November 04 @ 20:14:34 EST by editor

 

 

 

 

Onkod News, November-05-2006: Sida ay qoreen Wakaaladaha wararka iyo qaar ka mid ah Warbaahinta Carabta sida Al Jazeera ayaa Sheektay in ay Maleeshiyo aad u fara badan oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamka Soomaliya ay ku suagn yihiin meel 22KM u jirat Caasimada Baydhabo oo xarun u ah Dowlada KMG Iyadoo isla Galabta ay ciidamada Ethiopian ay Magaalada Baydhabo ka bilaabeen Fatashaad ay raadinayaan Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamka oo ku sugan Baydhabo

 

 

Wararka uugu danbeeyay ee hada ka imanayo jiida hore ee dagaalka aya sheegay in saakay la dilay laba ka tirsan ciidamada dowlada KMG ee soomaliya oo markaasi ku sugnaa meel u dhaxaysa baydhabo iyo goobta ay joogaan ciidamada maxaakiimta islaamka ee soomaliyeed

 

Shilkan ayaa dhacay xil ay ciidamada Dowlada KMG oo ku sugnaa xerada manaas oo 8 KM u jirta magaalada baydhabo waxaana ciidamadan tooktay dad dagana deegaanka inkastoo ay sheegeen Boolaiska baydhabo in ay ka dabeeyaan Ciidamo daacad u ah Maxaakiimta islaamka balse ilaa iyo hada lama garan karo in uu warkaasi uu sax yahay iyo in kale

 

 

Dhinaca kale, Sheekh Mukhtaar Roobow, waxa uu sheegay inuu Jeneral Ethiopian ah mas'uul ka yahay Ammaanka Guud ee Magaalladda Baydhabo, wuxuuna sheegay inay Ciiddamadda Ethiopianka meel kasta oo ay joogaan la dagaalami doonaan

 

 

Waxaa kaloo sheekhu xaqiijiyay in uu jiro gaari nuuca cabdi bile ah oo ay lahaayeen itoobiyaanka oo lagu gubay afka hore ee magaalaada beydhabo kadib markii ay rasaaseeyeen ciidamo kuwa deegaanka ah oo kasoo horjeeda joogintaanka ciidamada xabashida ah ee kusoo gar******ay ciidda soomaaliya

 

Dhinaca kale wararka ka imanaya Baydhabo ayaa sheegaya Galabnimidii Sabtida in ay ciidamo Ethiopian ah ay fatasheen qaar ka mid ah Guryaha ay dagaanyihiin Shacabka baydhabo iyagoo raadinaya wax ay ku sheegeen niman calaaqaad la lehe golaha maxaakiimta islamaka ee soomaliyeed oo wax wayne ka qabtay xaaladii murugsaneed ee soomaliya

 

Wasiirka warfaafinta Ee Eretariya Cali Cabdow ayaa waxa uu ku eedeeyay Xukuumada AdisAbaba in ay qas iyo fowda ay ka wado gudaha dalka soomaliya waxa uuna uuga digay in ay joojiyana wax ay ka wadaan soomaliya isagoo ku eedeeyay dowladaha Maraykanka iyo Ethoobiya in ay joojiyaan hadalada ay ku tuurayaan Xukuumada Asmara

 

Dhinaca kale wasaarada war faafinta ee Dowlada Ethoobiya ayaa waxa ay ku eedeesay Maxaakiinta iyo Eratariya in ay wadaana qorshe ay damacsan yihiin in ay Gudaha Dalka Ethoobiya ay ka dhex abuuraan dagaalo ay ku taageerayaan Oromada iyo Ciidamada Soomaligalbeed oo tagaeero ka helayo ONLF

 

Ugu danbeen waxa ay qabtaa Dowlada Ethoobiya in laga hor tago Maxaakiimta islaamka oo la taageero Dowlada KMG ee tabarta yar waxana fikirkaasi qaba dowlada Maraykanka ,Biritan iyo wadamo kale oo reer halbeed ah oo ka soo hor jeeda In wadanka Soomaliya lagu xukumo shareecada islaamka ayagoo ka baqaya in geeska africa ay ku fidaan xoogaga maxaakiimta islaamka

 

 

Warbaahinta Onkod News

Xafiiska Baydhabo ee ay ku leedahay

Waxaa Diyaariyay Wariye Nuur Macalimow

Nagala soo xiriiir Onkod@London.com

Ama Onkod_news@Hotmail.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this