Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The khuusuusis Defence Minister resigns

Recommended Posts

Gen.Khaarajiye Oo BBC-da Ka Sheegay In Uu Iscasilay.

Written by Jidbaale.com

Friday, 02 April 2010 07:07

 

 

Kanbaala(Jidbaale.com):-Gen. Siciid Cali Saalax(Khaarajiye) ayaa ka sheegay idaacadda BBCda in uu iska casilay xilkii uu ka hayey arrimaha SSC , khaarajiye ayaa ku macneeyey arrimaha uu isu casilay kuwo u gaar ah, isaga oo sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii loo raadin lahaa danaha SSC.

 

 

Kharaajiye ayaa waxa uu sheegay in uu xilligan ku hawlan yahay sidii loo samayn lahaa urur la mid ah sida kuwa ka jira maamulka Hargeysa, oo ku hadla magac ummadda deegaankaas ka soo jeeda, wuxuuna intaasi ku daray in uusan la socodsiin iscasilaadiisa hogaanka , ee uu hadda warbaahinta ka sheegayo.

 

 

Gen. Khaarajiye ayaa loo magacaabay waaxda difaaca ee SSC shirkii Nairobi ka dib wuxuuna intii danbe ku noolaa magaalada Kanbaala ee wadanka Ugandha, dadka xaaladda SSC aad ula socda ayaa u arka in Khaarajiyo oo aan magacaabistiisa laga siideyn warbaahinta Caalamiga, hadana Iscasilaadiisa oo laga sii daayo BBCda ay yeelan karto dareen, iyada oo cadaadis xoogweyn muddooyinkii ugu danbeeyey ku socdeen, dhinaca kale waxaa iyana muuqata karti daro hogaanka lagu soo dhisay Nairobi oo ku guuldaraystay in uu gudaha u gudbo, arrimahaas oo dhan ayaa ku yeelan kara raad Iscasilaada Gen. Khaarajiye.

 

 

Isku Soo duuboo iscasilaada Kharaajiye waxay ku soo began tay xilli ay socdaan dadaalo lagu doonayey in lagu unko ciidan bud dhige u noqon kara hawlaha dib u sifaynta, iyada oo Iscasilaada Kharaajiye arrimahan ku noqon karto Caqab ku soo koradhay kuwii hore u jiray, iyada oo ay intaasi sii dheertay niyad sami lagu qabay Kharaajiye oo gilgilasho ku dhacday.

 

 

Halkan Ka Dhagayso

 

 

Jidbaale.com

 

Jidbaale.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Khaarajiye Oo Xayiraadii Laga Qaaday Dhawaana Ka Soo Degi Doona Puntland

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaa maamulka Puntland xayiraadii ka qaaday Gen. Khaarajiye oo isagu dhawaan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayey bulshada SSC...........

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaa maamulka Puntland xayiraadii ka qaaday Gen. Khaarajiye oo isagu dhawaan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayey bulshada SSC, waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in uu dhawaan ka soo degi doono Magaalooyinka Gobolada waqooyi Bari mind uun sida Gaalkacayo ama Boosaaso.

 

Ilo xog ogaal ah oo codsaday in aan la xusin magacooda ayaa waxa ay sheegeen in muddooyinkii ugu danbeeyey uu jiray cadaadis iyo xidhiidh lagala soo samaynayey gudaha iyo dibada Gen. Khaarajiye, iyada oo lagu cadaadinayey in uu iska casilo xilka uu u hayo SSC , isla markaana uu hormuudka noqdo abaabul kale oo la unko, si loo hakiyo dadaalka ay wadaan Hogaankii lagu soo doortay dhawaan Nairobi, ilahan ayaa waxa ay farta ku fiiqeen in muddooyinkii ugu danbeeyey dhinaca Garoowe iyo dibadaba shirar laga waday lagu doonayey in malayshiyo hogaan looga dhigo Khaarajiye si maamulka Puntland u xakameeyo malayshiyooyin ka samaysma deegaanka SSC.

 

Gen. Khaarajiye ayaa iscasilaadiisa ka sheegay idaacadda BBCda iyada oo aanay ogayn hogaankii lagu soo dhisay Nairobi, waxayna shacabka SSC ku warheleen warka ka baxay BBCda taas oo dadweynaha ku sugan magaalada Laascaanood aad looga hadal hayey makhaayadaha, waxayna dadweynuhu isweydiinayeen sababaha ka danbeeyey in Khaarajiye Idaacadda BBCda kaga dhawaaqo iscasilaadiisa, maadaama uu ahaa nin weyn oo loo hanweynaa, dadka qaarkoodna waxay tilmaameen in ay u sharaf badnaynd in uu Khaarajiye ogaysiiyo hogaanka iyo shacabka SSC isaga oo goobo badan u sii marsiin kara, hasa yeeshee dad badani waxay aaminsan yihiin in heshiiska qarsoon ee lala galay Khaarajiye ay ka mid ahayd in uu BBCda uu ka hadlo, si iscasilaadiisu uga dhawaaq weynaato magacaabistiisii oo aan saxaafadda caalamiga ah laga sheegin, si markaasi ay u noqoto arrin cidwaliba ogaato Gaar ahaan labada maamul oo iyagu aad u xiisaynayey in ay mar uun arkaan hogaankii lagu soo dhisay Nairobi oo kala dhaqaaqay.

 

Dhinaca kale dadweynaha SSC ayaa aad u hadal haya iscasilaada Gen. Khaarajiye dibad iyo gudaba ,waxayna qaarkood tilmaamayaan in uu yahay nin magac weyn ku leh bulshada SSC, hasa yeeshee qaabkii uu isu casilay aysan ahayn qaab taariikhdiisa iyo wixii laga aaminsanaa qalanta, waxayse tilmaameen in uu yahay nin wax qaban kara haddii la siiyo xilli uu wax ku qabto, hasa yeeshee waxay tilmaameen in ay isaga iyo cidii uu si dhakhso ah hadda ula hawlgalaaba ay ku noqon karto caqabad iyo kalsooni daro ay kala kulmaan shacabka SSC, cidaasi ha noqoto Maamulka iyo Urur sida uu sheegay khaarajiye in ay ku hawlan yihiin siday u samayn lahaayeen magac ay ku hawlgalaan.

 

Widh-Widh Online News Desk Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this