Deeq A. Posted September 29, 2022 Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada dalka in ay ka qaybqaataan dagaalka Al-shabaab. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool dowlad goboleedyada in ay u diyaar-garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dowlad goboleedyada meel kasta oo ay joogaan iyo shacabka ku nool qaybihiisa kala duwan in ay u diyaar-garoobaan dagaalka Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkan caawa ka jeediyay kulan ka dhacay Muqdisho oo looga hadlay doorka dhalinyarada ee dagaalka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo baaq u diray dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites