Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Furay Shir Muhiim Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo shirka furay, waxa kala soo qayb galay oo kalmadana ka jeediyay shirka, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud, Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil Buraale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Ismaaciil Saleebaan Maxamed (Bawkax), Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ibraahin Cali, Ku Xigeenka ahna ku simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Mire, Guddoomiyaha Ururka Qareennada (SOLLA) Xasan Cabdilaahi Cawaale iyo Guddoomiyaha Guddida Dib-u-eegista Shuruucda Maxamuud Xuseen Faarax.

Ujeedada shirkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa lagu gorfeyn doonaa guulihii iyo caqabadihii ka dhashay wajigii hore oo muddo saddex sanno ah soo socday, waxaanay xeel-dheerayaasha ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dawladda, Midowga Yurub iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP ay lafa-guri doonaan arrimaha gundhiga u ahaa guulihii laga gaadhay mashaariicdaa iyo hadday jiraan caqabado ka ratibmay sidii looga gudbay. Geesta kale waxay ku falan-qayn doonaan qorshaha wajiga cusub ee Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Joint Rule of Law Program) waxaanay diiradda ku saari doonaan sida wajiga cusub ee barnaamijku noqon doono, iyagoo qorsheyn doona khariiradda muddadaasi ay barnaamijyadu raaci doonaan.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo shirka furay ayaa tibaaxay ahmiyada ay leedahay balaadhinta wada shaqaynta ha’adahan, waxaanu hoosta ka xarriiqay in mashaariicdan horumarineed ee Midowga Yurub ku maal-galiyo Somaliland ay muhiim u yihiin dhanka kobcinta iyo tayaynta hay’adaha ku taxaluqa sharciga iyo kala dambaynta (Rule of law).

Guddoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in aynu innagu ka Qaran ahaan qaabaysanno barnaamijyada aynu u baahanahay in la inanga taageero si loogu saleeyo baahiyaheenna, waxaanu uga mahad-celiyay hay’adaha dawladda ee sare ku xusan sida qiimaha leh ee ay u guteen waajibaadkii ka saarnaa ka midho dhallinta barnaamijyadan saldhiga u ah daboolida baahiyaha kala duwan ee ka jira bah-wadaagtan ay kulmiso barnaamijyada la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda, Xuquuqul Insaanka. (Rule of law and security). Ugu danbaynna waxa uu dalalka qaadhaan-bixiyayaasha u soo jeediyay in dalka Somaliland uu xaq-u-leeyahay helida taageeradda caalamiga, sida ay u helaan dalalka Somaliland dhiggeeda ahi.

Furida kadib waxa shirka ka hadlay masuuliyiinta sare ku xusan waxaanay ku dheeraadeen ahmiyadda ay leedahay in muwaadiniinta dalkani u fikiraan isla markaana la qaabeeyaan qaadhaan-bixiyayaasha barnaamijyada dalkani u baahan yahay, si ay iskula jaan-qaadaan qorshaha horumarinta Qaranka iyo Barnaamijyadan la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Rule of law and security). Waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqeen, sida looga faa’iiday wajigii hore iyo meelaha wajigan cusub awoodda lagu saari doono. Gunnaanadkiina waxay u mahad-celiyeen dalalka Somaliland ka taageera dhanka horumarinta iyo hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta wanaagsan ka dhexayso. Wajiga labaad ee barnaamijkan iyo arrimaha awooda lagu saarayo ayaa qorshahoodu ka soo bixi doonaa shirkan muddada shanta cisho ah u socon doona khubarada ka socda hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa caalamiga ah.

Allaa mahad leh.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this