Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinno ka soo baxayo Ganacsade lagu dilay Suuqa Wayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo Suuqa wayn ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in ay kooxa hubaysan ay qof ku dileen gudaha Suuqa.

Qofka la dilay oo ahaa rag ayaa lagu magacaabayay Daahir Jugle waxa uuna kamid ahaa ganacsatada Suuqa ku ganacsatada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilka ganacsade Daahir Jugle, ayaa waxaa ka dambeyay kooxa ku hubaysan biskoolado, kuwaas oo dilka kadib isaga baxsaday goobta falka uu ka dhacay.

Laammaha ammaanka weli kama aysan hadlin ganacsadaha maanta lagu dilay degmada Wadajir, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Daahir Jugle.

Sikastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay kooxa ku hubaysan biskoolado ay dil ugu gaysanayeen magaalada Muqdisho ganacsatada, waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda deegaannada ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah ururka alshabaab.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this