Sign in to follow this  
Deeq A.

 Wasiiro ka tirsan Xukumada Muuse Biixi  oo ollole & Muusanow ka dhex bilaabay Xildhibaannadda Golaha Guurtida ee Beelahooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

 Wasiiro ka tirsan Xukumada Muuse Biixi  oo ollole & Muusanow ka dhex bilaabay Xildhibaannadda Golaha Guurtida ee Beelahooda.

saajin.jpg

Qàar kamid ah wasiiradda idman ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa Golaha Guurtida ka dhex bilaabay ollole iyo muusanow beellaysan,kuwaas oo kullamo gaar gaar ah oo beellaysan la yeeshay Xildhibaannada beelahooda ugu jira Golaha Guurtida.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Axmed Aadan Buuxane ayaa la sheegay inay maanta huteelka Baraar ee Magaalada Hargeysa ay kullamo kulla yeesheen qaar kamid ah Xildhibaannada Beesha Awdal Clan ee Golaha Guurtida,waxaana la weriyey inay arrimaha ay kale hadleen ay ugu mihiimsanayeen xeerarka doorashooyinka ee horyaal Golaha,kuwaas oo la sheegay inay ka dalbadeen inay diidaan oo aanay u codayn xeerarkaas,haseyeeshee waxa la sheegay in xildhibaannada qaar ay diideen dalabka wasiirada idman.
Sidoo kalena wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa isna la sheegay inuu kullan lamid ah kaas uu la yeeshay qaar kamid ah Xildhibaan Golaha Guurtida ugu jira Beesha Ciise,kaas oo isna ka codsaday in aanay u coddayn ansixinta xeerarkan xasaasiga ah ee Golaha horyaal.
Isku soo wada duuboo Xukuumadda mudo xileedkeedu sii dhamaanayo ayaa ruclo-orod ugu jirta in golaha guurtidu hor istaagaan waxka bedelka golaha wakiiladu ku sameeyeen xeerarka doorashooyinka,talaabadaas oo jaharawareer siyaasadeed dalka galin karta.
Cabdiraxmaan Carab

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this