Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ku biiray Bahda Buusha-cunka Barlamaanka oo Hadallo oo ka soo yeedhay Jawaabteeda la siiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ku biiray Bahda Buusha-cunka Barlamaanka oo Hadallo oo ka soo yeedhay si farshaxnimo ah loogu jawaabay

Xildhibaan Khadar Ali Hakin oo aan Daawaday isaga oo la hadlaya MM somali tv ayaa waxa uu si qaawan u yidhi hadaanu Nahay deegaanka ugu mudanayaasha Badan Golaha Wakiilada waxa aanu rabnaa inaanu Shir Gudoonka ka muuqano. Dhinac marka laga eego waa runtii, laakiin ha ogaado in deegaankaasi Madaxweyne u socdaan oo ay rabaan inay dalka Hogaamiyaan ee aanay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha wakiilada u socon inay ku tartamaan.
Hadii deegaankaaga aad wax la rabto Madaxweyne ayay u tartamayaane ku taageer oo halkaas bay talo kaaga furan tahee, soo garab Joogto xisbigaad ka soo baxday.
Mida Labaad mudanuhu ha ogaado in Somaliland wada lahaanshadeeda, iyo isku dheelitirka deegaanada dalku sida uu ku qurux badan yahay ay tahay in Shir gudoonka golaha Wakiiladu sax ku yahay sida uu hada yahay. Hadii Xil Cali Xaamud Cidi badalaysana nin deegaankiisa ahi uu badalayo.
Abdirashid Abdi Jama.
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran xisbiga WADDANI.
May be an image of 2 people, beard, eyeglasses and text

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this