Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo jawaab kasoo saaray cabsida laga qabo in Putin adeegsado Nukliyeer

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa uga digay Ruushka “cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, waxaa sidaas sheegay Jake Sullivan, la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan oo marti ku ahaa barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amro weerar nukliyeer ah, laakiin ma uusan sheegin sida uu Maraykanku uga jawaabi doono.

Jawaabta Maraykanka ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar nukliyeer ah, kadib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeeray illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka socda dalka Ukraine.

Kordhinta ciidamadan ayaa timid, kadib markii Ruushku uu dib u dhac kala kulmay furimaha dagaalka, iyada oo ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla Woqooyiga Bari ee Ukraine, oo Ruushku uu qabsaday toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Debedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo baaqa dib ugu yeerista ciidamada kaydka ah ee Putin ayaa ka dhacay dalka Ruushka, iyada oo boolisku ay xabsiga u taxaabeen boqolaal dibad-baxayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Ruushka ee Moscow iyo magaalooyin kale oo dalkaas ah.

The post Mareykanka oo jawaab kasoo saaray cabsida laga qabo in Putin adeegsado Nukliyeer appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this