Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxaa sahayda loo wada qaatay soo afjarida Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya, hadda waxay gashay marxalad dagaal oo aad u adag, taas oo saadaashu tahay in sanado dhow ay dalkeena u horseedo neecaawda nabadda oo la naawilaayey waayo badan.

Dalka oo dhan waxaa ka hana qaaday kacdoon dadweyne oo si fudud ku wiiqay awooda Al-Shabaab-kii 15-ka sano gumaadayey dadkeenna.

Koonfurta iyo bartamaha dalka labadii bilood ee u dambeysay waxaa ka curtay xoogag hubeysan oo isugu jira xoolo dhaqato, beeraley iyo halyeeyo karaahsaday kawaanka haldoorkooda ee u furan kooxda.

Dowladda Soomaaliya oo biritaareysa kacdoonka dadweynaha ayuu hankeedu gaaray heerkii ugu sareeyey, deegaano badan oo duleysnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay, maanta waxaa ka babanaya sumadii Soomaaliyeed iyo calankaan buluuga ah.

Soomaaliya, tan kow uma aha dhiilo colaadeed iyo geeri laga lasoo tebinayo furimaha dagaalka, balse tani waxay kaga duwan tahay wixii dhiilo colaadeed lasoo maray, in jabka, guul-darada iyo jaanta rogan ay ku jimeysan tahay jaahiliinta raacay jidkii Cali Dheere.

Dhul baaxad leh oo dhaca gobollada Hiiraan iyo Galgaduud waxay maalmahaan haadu kala dafeysaa, hilbaha Shabaab-kii halakeeyey hormarkeena.

Halgamayaasha deegaanka oo hubkooda qaatay iyo ciidamada qaranka ayaa kooxda uga daba-galay god kastoo ay gabaad ka dhigteen, waxayna geerida cadowgu gaartay boqolaal iyo baa’ba.

Caasimadda dalka ee Muqdisho waxay maalmahaan marti gelineysa shirar iyo kulamo aayo ka tashi ah oo shidaal ku shubaya halganka socda, durbadiiba, waxaa la diyaariyey hanaanka hirgelinta maamul dowladeed oo deg deg uga hana qaada degmooyinka iyo deegaanada ka soo baxaya caganta cadowga.

Dhibanayaashii isha ka daawa jiray kadab-goynta kabiirkooda, ayaa hadda kalsooni ka helay dowladooda, taasina waxay sahashay in sahayda loo qaato, soo afjarida Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo garowsan masuuliyadeeda, una diir naxaysa dhalinteena ay dabka ku shubeen kaadiriinta kooxdaan, ayaa kurayada la duufsaday u furtay baal-weyn oo cafis ah, haday dabka dhigaan oo dadkooda dhinac ka raacaan.

The post Waxaa sahayda loo wada qaatay soo afjarida Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this