Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay xogta Shabaab badan oo galabta lagu laayey Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku shaacisay khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray weerar ay maanta Al-Shabaab ku qaadeen ciidan ka baxay degaanka Cadakibir oo kooxda kala wareegay dhowr deegaan oo markii hore ay isaga baxeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyey in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ay Al-Shabaab ka dileen 30 xubnood, sidoo kale laga xoreeyey ku dhowaad 10 deegaan.

“Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku dayday inay weerar rogaan celin ah ku soo qaado ciidankii maanta ka dhaqaaqay dhinaca deegaanka Cadakabir oo gacanta ku dhigay dhulka dhan 70 KM, waxayna halkaas kala kulmeen jab xooggan, iyadoo laga dilay 30 dhagarqaabe, lagana dhaawacay 54 kale,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkaan waxaa lagu shaaciyey deegaanada ay ciidanku qabsadeen kuwaas oo kala ah, Galgaduud: 1-Ceel-lahelay, 2-Laba-dulle, 3-Dhuumoodle, 4-Dhisaqa, 5-Aboorey, 6-Cali-wayd, 7-Iyo Maygaag-duub.

Gobolka Hiiraan Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Muqakori oo ah magaalo istaraatiiji ah.

Dhinaca kale gobolka Baay Ciidanka Qaranka oo gacan ka helaya dadkooda ayaa maanta Al-Shabaab ka xoreeyey dhowr deegaan.

“Hawlgallada Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ee gobollada dalka oo saf-ballaaran ku socda ayaa sii xoogeystay hadda, waxaana saldhig u ah kacdoonka shacabka iyo dowladooda, si looga adkaado burcadda dhiig-miiratada ah ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya waxay u sheegaysa dhalinyarada ay qaldeen horjoogayaasha nabadiidka Al-Shabaab in ay deg deg isku soo dhiibaan, si naftooda ay uga badbaadsadaan geesiyaasha qaranka.

 

The post DF oo shaacisay xogta Shabaab badan oo galabta lagu laayey Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this