Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Howlgalladii Ugu Dambeeyay Ee Gobollada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay waxaa ay sheegeen in lagu  dilay 30 ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan Hawlgallo saf ballaaran ah oo  ilaa saakay waabarigii ay ciidanku ku qaadeen deegaanno dhaca gobollada Baay, Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas muddooyinkii dambe iyaga oo  kaashanayo kuwa deegaanka ay howlgallo ka wadeen  gobollada dalka.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ciidanku ay la wareegeen gobolka Galgaduud deegaannada kala ah:1 Ceel la helay 2 Labi-dulle 3 Dhuumoodle, 4 Dhisaqa, 5 Abooreey, 6 Cali wayd 7 Maygaag duub, kuwaas oo dhammaantood dhaca gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa  gacanta ku dhigay in ka badan 70km, dhulkaas ayaa dhaca Waqooyiga iyo Bariga gobolka Galgaduud oo ay ciidamada iskaashanayo ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Gobalka Hiiraan ciidanka Qaranka iyo dadka Deegaanka oo howlgallo ka waday Bariga iyo Galbeedka gobolka ayaa si buuxda ula wareegeen magaalada Muqakori oo ah magaalo istaraatiiji ah, taas oo wax yar u jirta xadka gobollada Shabeellada dhexe iyo HIiiraan ay wadaagaan, iyagoo si nabad ah kula wareegay deegaanka Moqakori.

Gobolka Baay ciidanka dowladda oo gacan ka helaya ddadka deegaanka  ayaa la wareegay deegaanno dhowr ah, kadib markii hawlgallo Ciidanka qalabka sida  iyo Dadka Deegaanka la wareegeen deegaannada 1 Bayaale 2 Caliyoow Dooyow, 3 Xaawa Dheysile 4 Boorame 5 Karanoy 6 Daawuudoow, kuwaas oo dhammaan kuwa hoos yimaada gobolka Baay

Dowladda Soomaaliya waxa ay u sheegaysaa dhalinyarada ayaa markale ku celisay in dhallinyarada ka barbar dagaalamaya Al-shabaab in ay dhankooda iskusoo dhiibaan, gobollada dalka laga bilaabo gobolka Mudog ilaa Gedo oo cirifka Koonfureed ah waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka iyo kuwa deegaannada oo iskood isku abaabulay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this