Deeq A. Posted September 8, 2022 Dowladda Albania, ayaa gebi ahaanba xiriirkii diblomaansiyadeed u jartay Tehran kadib markii ay ku eedeysay in ay Iran ku lug laheyd weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu qaaday kaabayaasha dhaqalaha dalkaas. Edi Rama ra’iisulwasaaraha Albania, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa muddo 24-saac ah ay isaga baxaan dhammaan shaqaalaha iyo diblomaansiyiinta reer Iran ee ku sugan gudaha Albania. Website-ka rasmiga ah ee xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay in Albania, ay heeyso cadeymo muujinaya in ay Iran ka dambeysay weerarro lagu qaaday July sanadkaan kaabayaasha Internet-ka ee Albania. Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in cadaymaha ay hayaan ay la wadaagayaan dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta NATO oo ay xubin ka tahay Albania. washington dc ayaa horay u cambaareysay weerarka dhinaca internet-ka “Maraykanku waxa uu qaadi doonaa tallaabo dheeraad ah si uu Iran ugula xisaabtamo Iran,” ayuu yidhi afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad Adrienne Watson. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites