Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Ciraaq oo sheegtay in aysan awood u lahayn kala dirista Baarlamanka dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee dalka Ciraaq ayaa soo saartay qaraar ay ku sheegayso in aanay awood sharci u lahayn inay kala dirto golaha baarlamaanka ee dalkaas.

Go’aankan ka soo baxay maxkamadda ayaa ahaa mid si weyn loo sugayey, xilli ay dalkaas ka jiraan xiisado siyaasadeed muddo 11 bilood.

Go’aanka maxkamadda sare ee dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay tixraacday dastuurka waddanka oo sheegaya in aanay awood u lahayn inay kala diraan golaha sharci-dejinta,

 Go’aanka maxkamadda ayaa jawaab u ahaa dalab muhiima oo uu watay wadaadka shiicada ah ee saamaynta xooggan leh ee lagu magcaabo Muqtada Al-Sadr.

Kooxda Al-Sadr ayaa ku guulaysatay inta badan codadka doorashada baarlamaanka ee dalka Ciraaq ka dhacday bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, hase ahaatee may helin codad ku filan oo ay ku soo dhisaan xukuumad.

Xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta ayaa bishii July, waxay keentay in taageerayaasha wadaadka Muqtada Al-Sadr in ay xoog ku galaan golaha baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Ciraaq oo sheegtay in aysan awood u lahayn kala dirista Baarlamanka dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this