Deeq A. Posted September 7, 2022 Wasaaradda Xajka & Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday horraantii sannadkan in haweenku, hadda laga billaabo, ay maxram la’aan soo gudan karaan waajibaadka xajka ama cumrada. Waxaa loo furay mareeg barta interneetka ah oo ay ka diiwaan geliyaan qorshahooda xajka & cumrada. Haweenka da’doodu u dhaxayso 18-45 jir ayuu sharcigan khuseeyaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa kordhinta tirada dadka xajinaya iyo dadka cumreesanaya (xujjaajta iyo muctamiriinta). Sharcigan ka hor, Sucuudiga wuxuu shuruud ugu xiray dumarka gudanaya waajibaadkaan in ay la socdaan maxram si ay ugu soo safraan Xaramka Shariifka ah. Haddii 45 sano ay ka wayntahay se, waa la oggolaa in koox hoggaan rag ah leh ama dumar wada ah oo aamin ah, ay u raaci karto Xaramka. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites