Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Midowga Afrika oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya kadib cayrintii Madeira

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa danjire Mohammed El-Amine Souef u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa 27-kii July xog gaar ah ku shaacisay in la magacaabi doono Mohamed El-Amine Souef, oo u dhashay dalka Comoros.

Waajibaadka danire Mohammed El-Amine Souef ayaa ah inuu xiriir dhow oo joogto ah la yeesho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliya ee taageeraya hirgelinta qorshaha kala-guurka ee iyo geeddi-socodyada ballaaran ee dowlad-dhisidda Soomaaliya

Waxa kale oo uu si dhow ula shaqayn doonaa urur-goboleedka IGAD iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo sidoo kale saaxiibada labada dhinac iyo kuwa badan oo ay khusayso sida Qaramada Midoobay (UN) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Midowga Yurub (EU).

Si taas la mid ah, Guddoomiyaha  Midowga Afrika waxa uu si qoto dheer ugu mahadnaqay Danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay Mozambique oo xilkaan horey u hayey muddo 6 sano ah kaas oo uu ku ammaanay inuu si wacan u gutay waajibaadkii loo igmaday.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saraay 7-dii April 2022 wuxuu dalka uga eryey Danjire Francisco Madeira, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay shakhsi aan dalka laga rabin kadib markii “uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.”

El-Amine Souef oo ah 59 jir ayaa 2011 illaa 2015 soo ahaa madaxa howlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, howlgalkaas oo loo yaqaan UNIMID (United Nations-African Union Mission in Darfur).  

Waxa uu sidoo kale 2015 illaa 2017 madax ka ahaa howlgalka QM ee waqooyiga dalka Mali, kaasi loo soo gaabiyo MINUSMA.

42139-pr-AU_COMMISSION_CHAIRPERSON_APPOI 42139-pr-AU_COMMISSION_CHAIRPERSON_APPOI

The post DEG DEG: Midowga Afrika oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya kadib cayrintii Madeira appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this