Deeq A. Posted September 4, 2022 ILAAHAY ADOOMAHA KIBRA UUMA UUR NAXO. ======================== Akhlaaq xumada soo daahirtee Aasha soconeysa Iyo edeb darrada suuqa timi Waa inkaar culuse Ubadkaa dayacan ee ka baxay Ogobe xayndaabka Ee sida ugayb soo dhergey Abasax loolaaya I arkaay, maqlaay ceebahaas Ooda laga qaaday Ugaaskii lahaa baylahdaas Aahe dhibi weydey Aqoonyahanki doorsoonkan uu Kuba ajoon waayey Ifafaale weeyaan madaw Waana amakaage Illaahbaan ku dhaartee hadaan Olole loo feydan Adinkiyo hadaan laysku darin Uurkoo laga diido. Albaabkaas hadii aan la xidhin Oon ooda lagu giijin Abaarbaynu hadalhayney Omoski jiilaale Uumi iyo hadii boodh la qabey Aamusbaa xigiye Arladoo la gooyaan ka baqan Aabudh iyo Hoose Illaahay adoomaha kibra Uuma uurnaxo’e Iyagoon ogeynbuu marqudha Aadanow qabane Aargoosigiisuna ka kulul Aadkastoo kulule Awoodiisa lama koobi karo Eebahay magane Erey laguma qeexiyo tilmaan Oday ka sheekeeye Irko noqosho iyo laabasho Eebe lagu tuugo Astaqfurula uunbaa ka furan Eebe naga dhaaf. M.shukri Qaran News Share this post Link to post Share on other sites