Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS oo ku dhowaaqday go’aan culus, kadib weerarkii Al-Shabaab ee Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, isla-markaana magaciisa loo soo gaabiyo ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan weerarkii ay Al-Shabaab la fulisay duleedka magaalada Beledweyne, kaas oo lagu laayey dad shacab ahaa, laguna gubay ku dhowaad 10 gaari.

ATMIS ayaa sheegtay in ka go’an tahay inay la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab, loona helo amni iyo xasillooni buuxda.

Sidoo kale waxa uu howlgalku tacsi u diray ehellada dadkooda lagu laayey deegaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay weerar kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof, halka lagu gubay illaa 7 gaari oo ay la socdeen shacabka la laayey.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Dhacdadan ayaa timid, xilli Hiiraan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay howlgallo ku qaadeen ciidamada huwanta iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

The post ATMIS oo ku dhowaaqday go’aan culus, kadib weerarkii Al-Shabaab ee Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this