Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Gaagaab: Madaxweyne Xasan xilalka ugu muhiimsan dowladda wuxuu ku safay beeshiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16618777432202635.jpg

Senator Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) ayaa sheegay in Puntland saluugsan tahay saami qaybsiga siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay inuu xilalka muhiimka ah ee dowladda ku safay beesha uu ka soo jeedo, isla markaana uu baalmaray awood qaybsiga 4.5 iyo kan dowlad goboleedyada.

“Xilalkii muhiimka ahaa ee dowladda federaalka waxaa lagu safay beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh, Puntland lama siin wax u qalma, reer Puntland waxaan u sheegayaa Xamar waxaan magac ahayn in aysan naga jirin” ayaa yiri Senator Gaagaab.

Senator Gaagaab oo ka mid a xubnaha Aqalka Sare ku matala Puntland, ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu maanta kaga qaybgalay magaalada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Senator Gaagaab: Madaxweyne Xasan xilalka ugu muhiimsan dowladda wuxuu ku safay beeshiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this