Deeq A. Posted August 30, 2022 Xogta warbixinta wargeysku ku salaysan yahay badankeed waxaa bixiyay shaqaale Bariga Afrika ugu shaqeeya Save the Children iyo Action Aid. Hargeysa (Wararka PP ) — Wargeys maalinle ah oo ka soo baxa London ayaa 25 Agoosto qoray warbixin ku saabsan saameynta abaartu ku yeelatay Geeska Afrika gaar haweenka Soomaalida. Wariye ka tirsan wargeyska i ayaa booqday Hargeysa iyo Burco oo abaar ba’an ay saameysay reer guuraaga. Maqaalka, oo inta badan ku salaysan fikradaha Save the Children qeybtiisa Bariga Afrika, ayuu ku tilmaamay in haweenka bixinta yaradka “haween xoolo la dhaafsado”. Gabdhaha warbixinta beeniyay oo u xogwarramaya Axmed Seeko, wariye madaxbannaan. Mid ka mid ah gabdhaha wariyuhu ku waraystay Togdheer ayaa sheegtay in iyadoo xaamilo ah aysan maalin dhan wax cunin wax la’aan awgeed. “Gabdhaba waxaa lagu qasbaa inay jirkooda ka iibiyaan rag leh meel biyo laga dhaansado” ayuu wargeysku qoray. Gabdhaha la waraystay ayaa Hargeysa ugu warramay wariye madaxbannaan. Waxay sheegeen in hay’ad biyo dhaaminaysay ay sawiro ka qaadday iyaga iyo in saraakiil maamulka Somaliland ka tirsan la socdeen hay’adda. Warbixinta wargeysku waxay kale oo sheegtay in gabdho badan ay seegaan waxbarashada iyagoo da’yar lagu guursaday awgeed. © Puntland Post, 2022 The post Gabdho Beeniyey War uu Wargeys London Ka Soo Baxa Qoray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites