Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Shixnado Gargaar ah Gaarsiisay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa diyaarado siday shixnado gargaar ah waxaa ay gaarsiisay gobolka Hiraan, xilligaan oo ay ka jiraan abaaro baahsan iyo dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidanka xoogga oo howlgallo wada deegaanno dhaca waqooyiga gobolkaas.

Diyaaradaahaan ayaa gaarayay afar diyaaradood ayaa ka duulay Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalooyinka Baladweyne iyo Buule Burde oo ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u adag, kadib markii dhinac waliba ay ka go’doomiyeen Al-shabaab iyo abaarta ugu darsantay.

Waxaa hawshaan gargaarka fuliyay guddomiyaha Hey’adda maareeynta masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdullaahi, iyadoo ay gacan ka siinayeen masuuliyiin Xafiiska Ra’iisulwasaraha, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda maareynta, kuwaas oo loo idmaday gurmadka abaaraha.

Deegaannada la gaarsiinayo deeqaan ayaa waxaa waxaa kamid ah  kuwa dhowaan uu booqday madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo dhaca waqooyiga gobolka Hiiraan oo ciidanka xoogga ay kala wareegeen Shabaab, oo hoos taga degmada Maxaas.

Gobolka Hiiraan deegaanno badan oo kamid ah ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan taas oo dadka iyo duunyada saameyn badan ku yeelatay, iyadoo deegaannada qaar laga qarxiyay ceelbiyiboodyadii dadka iyo xoolaha ay biyaha ka cabijireen, kuwaas oo dhaca Waqooyiga gobolkaas.

301497518_420044960224656_30221082773227
300968207_420046426891176_64144123924371
301484617_420044946891324_58682109736758
301274901_420046406891178_97867584584885
301149127_420045836891235_50651658337771
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this