Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku wajahan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda ku wajahan Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo dhowaan isku dayay in uu safar ku yimaado Puntland ayaa markii u danbaysay Madaxtooyada Puntland ay safarkiisa diiday.

Intaas kadib Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa soo codsaday in uu yimaado Puntland taas oo laga aqbalay sida ay wararku sheegayaan.

Wefdi horudhac ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sidoo kale maanta ku wajahan Garoowe.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu wadaa in uu Madaxweynaha Puntland kala hadlo xoojinta xiriirka labada dhinac ee Puntland iyo Villa Somalia oo muddooyinkii danbe sii xumaanayay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this