Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo La Kulmay Taliska Qeyta 27-aad iyo Madaxda Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka gaashaandhigga  xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo safar ku jooga Hiiraan ayaa maanta kulan magaalada Balweyne  kula qaatay saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga gobolka Hiiraan iyo howlgallada ka socda Hirshabeelle.
Madasha shirka ayaa wasiirka waxaa ku wehlinaayay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Dabageed, taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka  lugta Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlgallada  ay ciidanku  ka wadaan deegaanno dhaca gobolka Hiiraan, ciidanka ayaa ku guuleystay in dagaalmayaasha Alshabaab ay ka saaraan deegaanno badan oo hoos yimaada degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.
Wasiirka diifaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyeyaasha ciidanka ee ku wehlinayay safarkiisa ayaa waxaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, waxaana safarkooda Hiiraan uu ahaa u kuurgelidda xaaladaha ka jira gobolka iyo howlgallada ka dhanka aha Al-shabaab ee ka socda.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this