Deeq A. Posted August 18, 2022 “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN; Waa geeri aad u xannuun badan, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, Abwaanada, Shacabka reer Somaliland iyo Soomaali oo idil geerida ku timid Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Siciid “Hadraawi” oo goor dhaweyd Hargeysa ku geeriyooday. Marxuum Abwaan Hadraawi waxa uu ahaa Abwaannada fara ku tiriska ah ee Qowmiyadda Soomaalida iyo dunidaba uga tegi doona dhaxal iyo dhigaal aan duugoobeyn, waxa uu ahaa sama-talis, Philosopher, Macalin bulsho, indheergarad iyo keyd Umadda Soomaaliyeed iyo Caalamkuba ay wada lahaayeen. Waxa uu ahaa Shakhsiyad noloshiisa oo dhan u huray u halgamidda Caddaaladda bulshada iyo qiimeynta samaha Aadamaha oo idil, waxa uu la dagaalami jiray kala qeybinta & faquuqa Aadamaha, Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa ku casuumo, dambigiisana dhaafo, innagana samir iyo iimaan innaga wada siiyo. Aamiin.” Murrashax Cirro إنا لله وإنا إليه راجعون!” Waxaa maanta xaqii ku soo degay oo geeridiisa la soo sheegay, Alle ha u naxariisto e, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, waa macallinkii dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Haddii Soomaaliyi yeelatay Filasoofka nolosha wax ka sheega malaha waa kii ugu weynaa. Damal ay hadhsadaan buu ahaa dirka Soomaaliyeed iyo intii ay murtidiisau gaadhay, waxaase hubaal ah in dhaxal weyn uu uga tegay dadkiisa oo uu taariikhda same iyo wanaag ku galay. Geeri baan cid daynayn oo aan birmagaydo aqoon! Qofna ifka loo deyn maayo ee Sabir iyo Iimaan dhamaan ehalkiisii iyo inta geeridiisu taabatay, meel kasta oo ay joogaan. “Kuwa ii hanweynow Marka aad i hoysaan Hogga ii bannaysaan Waa in lay hogtaayoo Hiil waxan ka geli jiray Ama hoo ka tari jiray Hadhow lay xusuusta Hebel lay yidhaahdaa”” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites