Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Abwaan Hadraawi oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa goordhow ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa Abwaanku waxa uu ku xanuunsanaa Isbitaalka guud ee Hargeysa, halkaasoo xaaladdiisa caafimaad lagula tacalaayey, waxaana ugu dambeyn uu maanta ku geeriyooday halkaas.

Abwaanka ayaa waqtiyadii ugu dambeeyey noloshiisa ku qaatay Magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Waxaa Allaha u naxariisteen waxaa lagu xusuusan doonaa waayihiisii fanka oo uu curiyey heeso waa weyn oo ay ka mid tahay Hooyo, Beledweyn iyo Beerlula, sidoo kale waxa uu lahaa gabayo caan ah oo uu ugu weynaa ilbaxnimo.

Taariikhda Abwaan Hadraawi oo dhammaystiran dib ayaan ka soo gudbin doonnaa inshaa Allaah, waxaan leenahay Allaha u naxariisto, ehelkii, qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Allah aka siiyo… Aamiin.. Aamiin.

Goobjoognews

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this