Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Baadhitaanka Dilalka iyo Tacadiyada dhacay intii Mudaaharadadu ka socdeen Somaliland Oo maanta kulan la qaatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Baadhitaanka Dilalka iyo Tacadiyada Mudaaharaddadii 9 June iyo 11 August 2022  ee isbahaysiga  Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa maanta kulan waqti dheer ah la qaatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL oo baadhitaan madaxbannaan ku samaynaysa  Mudaharaadyadaas.

11 August 2022 waxa lixda gobol ee JSL ka qabsoomay muddaaharaadadii taariikhda Somaliland ugu weynaa. Kuwaas oo selmi ahaa balse isu baddalay goolibaadh shacab boodhadh iyo siidhiyo sita qayb ka mid ah ciidamadda ammaanku xabbad nool la beegsadeen dil iyo dhaawacbana loo geystay.

Axsaabta mucaaradka iyo Golaha Wakiilada JSL ayaa bilaabay baadhitaano daaha ka qaadi doona dambiyadii bannaanbaxyadaa ka dhacay.

Waxa xusid muldan in aan weli talaabo sharci laga qaadin sarkaalkii 9 June gabadha beerka kaga tuntay iyo ciidankii kale ee isku dayey in ay madaxda xisbiga WADDANI dilaan iyo tacadiyadii kale ee warbaahintana laga wada arkay.

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI

Mahmoud Adam Jama “Galaal”

IMG-20220816-WA0034.jpg IMG-20220816-WA0033.jpg IMG-20220816-WA0031.jpg IMG-20220816-WA0032.jpg IMG-20220816-WA0029.jpg IMG-20220816-WA0030.jpg IMG-20220816-WA0028.jpg IMG-20220816-WA0027.jpg IMG-20220816-WA0026.jpg IMG-20220816-WA0024.jpg IMG-20220816-WA0022.jpg IMG-20220816-WA0021.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this