Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo amar 3 qodob ah dul dhigay wasiirrada cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa soo saaray go’aamo culus oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’ sida lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamza Barre ayaa soo saaray seddax qodob oo sida ku cad qoraalkiisa uu u arkay inay muhiim u yihiin ilaalinta ku dhaqanka shuruucda dalka.

Qodobadaas ayaa kala ah:

1 – In dhamaan xubnaha golaha wasiirrada ee XFS ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka markii ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

2 – waxaa ka reebay magacaabidda iyo shaqo ka joojinta saraakiisha darajooyinka sare ee aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

3 – Masuuliyiintu inta aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, waa inay waafajiyaan sharciga isla markaana ay la tashi kala sameeyaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

298967163_411396387756180_78045155749803

The post Xamza oo amar 3 qodob ah dul dhigay wasiirrada cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this