Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo heshiisyo cusub kala saxiixday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Mwebesa Francis.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray wasiirrada labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahmiyo dhinacyo kale oo labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda.

298552422_445622937608851_56059128805361 298561042_445615334276278_42758329102754 298563768_445615174276294_50009468980783 298570192_445615250942953_90494919358788 298599100_445614527609692_29809792076753 298604948_445615027609642_82166113735514 298607014_445614344276377_61238032888927 298613243_445614557609689_77217868589220 298704958_445614920942986_49243009708977 298735638_445614227609722_70083581432852 298736588_445626574275154_16163007144365 298756041_445614327609712_79706910544245 298763867_445614490943029_13580226664295 298796443_445614640943014_38776029602087 298876174_445615070942971_62251281353576 298942482_445614287609716_84404139026448 Cabdulqaadir-Maxamed-Nuur-Jaamac-Gaashaa dige.jpg?resize=696%2C532&ssl=1 madasha-dhaqaalaha-soomaaliya-iyo-uganda madasha-dhaqaalaha-soomaaliya-iyo-uganda Wasiirka-Wasaaradda-Arrimaha-Dibadda-iyo xasan-iyo-mosavani.jpg?resize=696%2C464& xasanb-sheekh.jpg?resize=696%2C526&ssl=1 xasanb-sheekh.jpg1_.jpg?resize=696%2C464 xasanb-sheekh.jpga_.jpg?resize=696%2C556 xohahaya-wasaaradda-arrimaha-dibada.jpg? Yoweri-Museveni.jpg?resize=696%2C464&ssl

 

The post Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo heshiisyo cusub kala saxiixday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this