Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa:Goobaha Banaanbaxayda Salmiga ah Loo asteeyay ama lagu qaban doono

Recommended Posts

Deeq A.   
Berri Subax dhammaan taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah waxaa bilaabmi doona bannaan baxyadii Silmiga ahaa;
Caasimadda Hargeysa, waxaa la isgu iman doonaa Goobahan;
1. Degmooyinka 26June & Koodbuur waxa ay ka soo dhaqaaqi doonaan Xarunta Guud ee Xisbiga UCID.
2. Degmooyinka Gacan Libaax & Macallin Haaruun waxa ay ka soo dhaqaaqi doonaan Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANI.
3. Degmooyinka 31ka May & Axmed Dhegax waxa ay isugu iman doonaan Xarunta Gobolka ee Xisbiga WADDANI ee u dhow Dugsiga Faarax Oomaar.
4. Degmooyinka Maxamuud Haybe & Maxamed Mooge, waxa ay ka soo dhaqaaqi doonaan isgoyska Total.
Dhammaan Degmooyinka Caasimadda Hargeysa waxaa la isugu iman doonaa Xarunta Gobolka ee Xisbiga WADDANI ee Dugsiga Faarax Oomaar.
FG; Dhammaan Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Gobollada dalkana waxa ay isugu iman doonaan Xafiisyada Gobolladooda.
Musharrax Cirro.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this