Deeq A. Posted August 8, 2022 Madaxweynaha Dowdda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda. Madaxweyne Xasan oo booqasho saddex maalmood ah ku joogi doona dalkaas ayaa waxa ay ka wadahadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka, sida lagu sheegtay qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta. Safarka madaxweyne Xasan ayaa noqonaya safarkii 8-aad oo dalka dibadiisa uu ugu baxo, muddo saddex bilood ka yar, wuxuuna tan iyo markii la doortay 15 Maajo safaro ku aaday dalalka Imaaraadka, Turkiga, Ereteriya, Kenya, Jabuuti, Tansaaniya, Masar iyo Udanga. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii 8-aad ugu baxay dibada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites