Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa:Dhacdo Tacadi Xanuun Badan leh & Madaarka Hargaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa:Hooyo Ilmayar sidata ayaa laga reebay diyaaradda & Dhibta gaadhay+Ayaan Cashuur oo ka damqatey

ayaan.png
Dadka Somaliland ka dhoofaya ayaa wajahaya culays ku saabsan warqadda Shaybaadhka COVID-19 oo lacag gaadhaysa 45 dollar laga qaado qofkasta xattaa haddii uu tallaalkii qaatay.
Hooyo Ilmayar sidata ayaa laga reebay diyaaradda sababtoo ah may qaadan warqaddan ku darsoo waddanka ay u socotaa kama rabo warqaddan Shaybaadhka ee Somaliland lacagta ku qaadanayso.
Ayaan Cashuur, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Uk oo aad uga xumaatay hooyada iyo Ilmaha yar ee Diyaaradda loo diiday ayaa qoraal ku cabirtay dareenkeeda.
“Dadka hooyo iyo ilmaheedii diyaarad ka reebey waayo warqadii Covid test ka oo wadanka ay u socoto loogaba baahneyd ma wadato. Qalbi adkaayaa, oo arxan daraayaa.
Dadkii iminka tigidhkii wuu ka qasaarey, wakhtigii waa laga dilay. No, accountability iyo responsibility. ku tagri fal, iyo awood sheegasho.
Biniaadanku marka oo dhoofayo waxa la eegaa dalka oo u socdo waxa oo u baahan yahay, wadankaasna loogama baahna” Amb Ayaan Cashuur.
Dad badan ayaa hore uga hadlay lacagtan xukuumadda Somaliland ka qaado dadka dhoofaya ee ku saabsan COVID-19 iyagoo sheegay in dad gaar ah lagu naasnuujiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this