Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Miino Ku Qaraxday Caruur Xoolo La Joogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee ilmo yar ayaa ku geeriyooday, laba kalena dhaawacooda ayaa lagu dabiibayaa cisbitaalka guud ee Magaalada burco ka dib markii ay maanta miino kula kacday meel u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda gobolka togdheer la wadaago gobolka Jarar ee DDS itoobiya, iyadoo carruurtaasi loogu gurmaday Ambalaaska degmada dhoqoshay.

Dhinaca kale shan qof oo kale ayaa dhaawacmay , ka dib markii ay isku dhaceen ambalaaska degmada dhoqoshay oo siday dhaawaca labada carruur ah iyo gaadhiga kale oo xaajiyada ah oo isna siday dad rakaabka ah meel u dhaw deegaanka Balli-hiile.

 Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf Jaamac oo u waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay dhamaanba dadka dhaawacmay lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee burco, xaaladooduna ay tahay mid aad u wanaagsan.

Saddexda carruura ee miinadu la kacday ayaa la sheegay in goobta ay miinada kula kacday in la joogeen adhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this